Shirkadda Turkish Airline oo Joojisay Duulimaadyada

0
Sunday April 05, 2020 - 21:26:26 in Wararka by
  • Visits: 270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Turkish Airline oo Joojisay Duulimaadyada

    Shirkadda duulimaadyada caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee Turkish AirLine ayaa si rasmi ah u shaacisay inay joojisay duulimaadyadii ay ka samayn jirtay gobolada iyo magaalooyinka waddanka Turkiga dhexdiisa ilaa iyo inta laga gaarayo 20-ka April.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda duulimaadyada caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee Turkish AirLine ayaa si rasmi ah u shaacisay inay joojisay duulimaadyadii ay ka samayn jirtay gobolada iyo magaalooyinka waddanka Turkiga dhexdiisa ilaa iyo inta laga gaarayo 20-ka April. Shirkadda ayaa arrintan ku sheegtay inay qayb ka tahay tallaabooyinka looga hor tagayo faafitaanka fayraska Corona, waxayna si toos ah ugu dhawaaqday in la joojiyay duullimaadyadeedii gudaha dalkaas. Agaasimaha guud ee Shirkadda Turkish AirLine Bilaal Akshi ayaa arrintan la wadaagay warbaahinta dalka turkiga, gaar ahaan wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadoul, wuxuu sidoo kale qoraal kusoo daabacay bartiisa Twitterka isagoo si rasmi ah u xaqiijiyay in duulimaadyadii gudaha dalka ay joojiyeen. Agaasime Akshi ayaa tilmaamay in ay qaadayaan tallaabo kasta oo ay u arkaan inay u wanaagsan tahay dagaalka lagula jiro cudurka dhibaatada badan ku haya caalamka ee CoronaVirus.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip