Agaasime ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo lagu xiray Magaalada Muqdisho
Ciidamada Dowladda ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku xiray Agaasimihii Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliya, Maxamuud Maxamed Buule.
Ciidamada Dowladda ayaa Agaasimaha ka kaxeystay Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho, sababo aan illaa iyo hadda la shaacin awgood.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in xarigiisa uu la xiriiro arrimo ku aadan musuq maasuq iyo wax is daba-marin.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxtooyada Somaliya ay ku daba joogto Saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, kuwaa oo loo haysto in musuq maasuq ay ku kacayn.
Laamaha amniga ayaa horey Magaalada Muqdisho ugu xiray shaqaale ka tirsanaa Wasaaradaha Xukuumadda qaarkood, ka dib markii lala xiriiriyay arrimo musuq maasuq.
Agaasime ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo lagu xiray Magaalada Muqdisho
Ciidamada Dowladda ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku xiray Agaasimihii Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliya, Maxamuud Maxamed Buule. Ciidamada Dowladda ayaa Agaasimaha ka kaxeystay Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho, sababo aan i