Taabit Cabdi oo si kulul uga hadley Kufsi loo geystey laba Gabdhood

0
Sunday April 05, 2020 - 21:09:13 in Wararka by
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taabit Cabdi oo si kulul uga hadley Kufsi loo geystey laba Gabdhood

    Guddoomiyihii ore ee Gobolkan Banaadir ahaana dua Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa si kulul uga hadley kufsi dhawaan Gabdha yar yar loogu geystay degmada Afooye oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose. Taabit ayaa Qoraal uu so dhigey Ba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyihii ore ee Gobolkan Banaadir ahaana dua Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa si kulul uga hadley kufsi dhawaan Gabdha yar yar loogu geystay degmada Afooye oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose. Taabit ayaa Qoraal uu so dhigey Bartiisa Facebook waxaa uu ku cambaareeyey falkaas,isaga oo sheegay in hadii aan falkaan loo istaagin ay noqon doonto cuqubo ay dad badan saameyn doonto. "Si adag ayaan u cambaareynayaa afduubka iyo kufsiga wuxuushnimada ah ee loo geystay gabdho caruur ah oo da'doodu tahay 3 iyo afar jir ee ka dhacay Degmada Afgooye. Waa cuqubo na wada saameyndoonta haddii aanan loo wada istaagin falkan bini'aadannimada ka baxsan ee in mudo ah soo noqnoqday ayuu yiri"Taabit Cabdi. Sidoo kale Taabit Cabdi waxaa uu ugu baaqay inay ka hadlaan tacadiyada ka dhanka ah Haweenka ee kufsiga ah,sidoo kalena dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed inay baaris ku sameeyaan. "Culimada waa in ay si mug leh uga hadlaan tacadiyada ka dhanka ah haweenka oo uu kufsigu ka mid yahay,Dowladda Federaalka iyo Maamulka K/Galbeed waa iney si aan kala har laheyn arrinkan baaris ugu sameeyaan. Wasaaradda Haweenka ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa si adag waxaa ay horay uga hadleen kufsigaas.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip