Maxaa sababey in dalka Soomaaliya weli laga cunayo maandooriyaha Qaadka?

0
Saturday April 04, 2020 - 20:38:11 in Wararka by
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa sababey in dalka Soomaaliya weli laga cunayo maandooriyaha Qaadka?

    Kadib markii xayiraad lagu soo rogey keenista Qaadka Soomaaliya ayaa waxaa soo if-baxaya in mandooriyahaan si joogto ah uga soo galo xuduudaha Badda iyo dhulka dalalka Kenya iyo Itoobiya uu la wadaago dalkaan ku yaal geeska Afrika. Dowlada Federaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii xayiraad lagu soo rogey keenista Qaadka Soomaaliya ayaa waxaa soo if-baxaya in mandooriyahaan si joogto ah uga soo galo xuduudaha Badda iyo dhulka dalalka Kenya iyo Itoobiya uu la wadaago dalkaan ku yaal geeska Afrika. Dowlada Federaalka oo horey u joojisay duulimaadyadii Qaadka ee ka imaan jirey Nairobi ayaa sida xogo lagu kalsoon yahay u sheegeen warbaahinta, ayaa nooca Jaadka loo yaqaan Miirowga magaalada Muqdisho kaga yimaadaa dhinaca Badda iyadoo magaalada Marka tahay halka uu ka soo dago.     

      Sida xogtaan sheegeyso waxaa sidoo kale baraha kontroolada soo dhaafiya oo soo galiya magaalada Muqdisho qaar ka tirsan ciidamada dowlada Federaalka ee ku sugan aagaga gobolka Shabeelada Hoose.

     Dhinaca kale dalka Itoobiya oo xuduud dheer la leh dalka Soomaaliya gaar maamulada Jubaland, Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa ku adkaatey in hay’adahooda amniga ka joojiyaan in Qaadku soo gaaro gudaha magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe.

     Maamulka Puntland oo amar ku soo saarey in la joojiyo Qaadka guud ahaan ayaa sida wararka aan heleyno xaqiiinayaan in uu weli ka soo galo gobolada xuduudka la leh dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya sida ‘Mudug, Cayn iyo Sool”.

       Inkastoo saraakiisha hay’daha amniga magaalooyinka Galkacayo, Garowe iyo Bosaso maalmihii la soo dhaafey saxaafada u soo bandhigeen gubista Qaadka qarsoodi ahaanta ku soo galay Puntland ayaa hadana waxaa jira sida GO fahansan yahay in ciidamada dowlada ay ka caga-jiidayaan iney si rasmi ah u fuliyaan awaamiirta iney dadka ku dhex iibinaya mandooriyahaan magaalooyinka waaweyn dhexdooda gaar ahaan caasimada MGPL ee Garowe talaabo ka qaadaan.

       Somaliland oo xuduud dhow la leh dalka Itoobiya ayaa sidoo kale magaalada Hargeysa waxaa si aan qarsoodi aheyn suuqayadeeda loogu iibiyaa Jaadka nooca loo yaqaan Harari-ga.



Cudurka Coronavirus ama COVID19 ayaa waxaa lagu kala qaadaa qaabab ay kamid tahay taabshada.

Cudurka Coronavirus ama COVID19 ayaa waxaa lagu kala qaadaa taabshada taas oo ah mid dadka iyo alaabta ah, iyadoo Viruska faafiya xanuunkaan ku noolaado meelaha qaarkood muddo gaareysa 1-5 cisho.

Qaadka oo ay soo guraan dad beeraley ah islamarkaana soo mara ganacsatada iibgeysa ayaa waxaa lagu soo ridaa Jawaano soo mara gacmo farabadan oo kala duwan kaas oo marka ugu dambeysa ku dhamaada af-ka qofka cunaya maandoorayaan.

Sida wacyi galinta ay fasaxdey hay’ada caafimaadka aduunka "WHO” lagu sheegey, qofka waxaa laga dalbanayaa in gacmihiisa shaambo ama saabuun ku dhaqo 30-kii daqiiqaba mar, halka bacaha iyo alaabta kale ee lagu soo iibsadey yihiin faafiyaasha Kowaad ee fayruskaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip