Madaxweyne Trump: Muhiim uma arko in maaskaro wajiga lagu xirto

0
Saturday April 04, 2020 - 20:32:59 in Wararka by
  • Visits: 212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Trump: Muhiim uma arko in maaskaro wajiga lagu xirto

    Muqdisho:-Madaxweynaha dalka mareykanka Donald Trump, ayaa shaaciyey in uusan xiran doonin waxyaaba afka iyo sanka lagu xirto ee dadka ka caawiya ineysan qaadin Fayraska corona, iyaddo cudurka Covid-19, uu si daran u saameeyey waddanka mareykanka sid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:-Madaxweynaha dalka mareykanka Donald Trump, ayaa shaaciyey in uusan xiran doonin waxyaaba afka iyo sanka lagu xirto ee dadka ka caawiya ineysan qaadin Fayraska corona, iyaddo cudurka Covid-19, uu si daran u saameeyey waddanka mareykanka sido kale bahda caafimaadku ay ku taliyeen in la xirto af-duubka gacanta ka gaysta inuusan faafin cudurkan.
Donald Trump, ayaa intaasi ku daray in taladda xarunta ka hortaga cuduradda ee CDC, aysan qasab ku noqonayn inuu raaco balse waxaa uu soo jeediyey inay quman tahay inuu xirto maaskaro waqtiyadda uu qaabillayo madaxda kale.

Tiradda dadka cudurka Covid-19 ugu dhintay waddanka Mareykanka ayaa maalin kaliya gaartay 1300, taas oo ka dhigeysa tiraddii dhimasho ee ugu badnayd ee muddo 24 saacadood ah dunida laga diiwaan geliyo.



    



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip