Milkiilaha idaacadda ugu afka dheer Muqdisho oo si kulul ugu jawaabay Hay'adda sirdoonka NISA

0
Saturday April 04, 2020 - 19:34:17 in Wararka by
  • Visits: 210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Milkiilaha idaacadda ugu afka dheer Muqdisho oo si kulul ugu jawaabay Hay'adda sirdoonka NISA

    Milkiilaha idaacadda ugu afka dheer Muqdisho ayaa markii ugu horeysay jawaab kulul ka bixiyay khilaaf soo kala dhex galay Taliska hay'adda sirdoonka NISA iyo weriye ka tirsan idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga. Abwaan Cusmaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Milkiilaha idaacadda ugu afka dheer Muqdisho ayaa markii ugu horeysay jawaab kulul ka bixiyay khilaaf soo kala dhex galay Taliska hay'adda sirdoonka NISA iyo weriye ka tirsan idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga. Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure oo ah milkiilaha Radio Kulmiye oo ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horeysay si cad u sheegay in khilaafka u dhaxeeya Hay'adda NISA iyo weriye Haaruun Macruuf uu yahay arag afkana xiro isla markaana ujeedada ay tahay in lagu cabsi geliyo warbaahinta ka howlgasha dalka gudihiisa.                  "Hanjabaadda NISA ee weriye Haaruun Macruun waa farriin lagu cabsi gelinayo warbaahinta gudaha si ay afka uga xirto” ayuu yiri Abwaan Guure oo sheegay in war lagu qoray Twitter-ka NISA aanu ahayn mid lagu jaan gooyo cadaaladda dalka.

         Abwaan Guure ayaa sheegay in hay’adda NISA ay ka mid yihiin madax si fiican u garanaya warbaahinta xorta ah iyo xorriyadda hadalka, sidaasi daraadeedna aanay qofka saxafiga ah ka hor istaagi karin inuu guto waajibaadkiisa.



       Hadalka milkiilaha Radio Kulmiye oo ka mid ah idaacadaha faraha badan ee mowjadda FM-ta ka soo gala oo xaruntoodu tahay Muqdisho ayaa ku soo beegmaya xilli Hay’adda NISA si weyn uga carootay baaritaanno weriye Haaruun Macruuf ku sameynayay qaraxyada ka dhaca Soomaaliya iyo halka laga soo abaabulo.

AKHRISO WARAR KALE OO XIISO LEH

Shacabka Muqdisho oo inta badan ka mid ah dhageystayaasha idaacadda Radio Kulmiye ayaa ku xiran barnaamijyada kala duwan ee ka baxa mudada ay hawada ku jirto, gaar ahaan barmaajka KALAMAAN ee ay tebiyaan weriyeyaal, abwaano iyo majaajiliistayaal caan ah, kaasi oo noqday kan soo jiitay dareenka iyo xiisaha dhageystayaasha ugu badan.

Madaxda sare ee hay’adda sirdoonka NISA ayaa lagu dhaliilay qaabka ay uga fal celisay baaritaanka weriye Haaruun Macruuf ee ku saabsan mid ka mid ah dhacdooyinka ugu xasaasisan ee dalka Soomaaliya lana xariira dhinaca ammaanka sida baaritaanada falalka lagu dhaawacayo xasiloonida dalka oo ay ugu horeeyaan qaraxyada iyo dilalka lagu khaarajinayo dadka indhaha u ah bulshada Soomaaliyeed.

Somaliweyn Media Center (SMC)
Email: contact@somaliweyn.com
Muqdisho – Soomaaliya

xigasho:-somaliweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip