Wasiirka Warfaafinta oo cambaareeyay Gabdho Yar-Yar oo si Arxan-darroah loogu kufsaday Afgooye
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Fderaalka Soomaaliya Md.Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si kulul u cambaareeyay fal kufsi arxan darro ah oo gabdho yar-yar loogu kufsaday degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasiir Maareeye ayaa sheegay in ficilkaas kuwa geystay ay yihiin kuwo aan damiir dadnimo iyo mid Islaamnimo mina aanan laheyn
"Waxaan si kulul u cambaaraynaynaa ficilka wuxuushnimada leh oo ka dhacay Degmada Afgooye oo lagula kacay Laba Gabdhood oo aad u da'yar,, waa tacaddi iyo weerar oo loo geystay Magaca Soomaaliyeed"ayuu yiri Wasiir Maareeye
Wasiirka Warfaafinta ayaa Carrabka ku adkeeyay inay Dowladdu ku raad-joogto Dadkii ka dambeeyay ficilkaas foosha xun oo lagu kufsaday Laba gabdhood oo walaala ah.
Todobaadkii hore ayaa degmada Afgooye lagu kufsaday laba gabdhood oo aad u da' yar, kuwaasoo da'dooda lagu kala sheegay 3-sano jir iyo 4-sano jir.
Wasiirka Warfaafinta oo cambaareeyay Gabdho Yar-Yar oo si Arxan-darroah loogu kufsaday Afgooye
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Fderaalka Soomaaliya Md.Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si kulul u cambaareeyay fal kufsi arxan darro ah oo gabdho yar-yar loogu kufsaday degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Wasiir Maareeye aya