Tiradda dadka u dhintay Coronavirus oo gaartay 27,360

0
Saturday March 28, 2020 - 09:59:47 in Wararka by
  • Visits: 226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tiradda dadka u dhintay Coronavirus oo gaartay 27,360

    Tirada dadka uu ku dhacay cudurka 'coronavirus' ee dalka Mareykanka ayaa gaartay in ka badan 104,000 subaxnimadii Sabtida, sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins, iyadoo tirada dhimashada ay kor u dhaaftay 1,700, taasoo dhimashada ad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tirada dadka uu ku dhacay cudurka 'coronavirus' ee dalka Mareykanka ayaa gaartay in ka badan 104,000 subaxnimadii Sabtida, sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins, iyadoo tirada dhimashada ay kor u dhaaftay 1,700, taasoo dhimashada adduunka ka dhigaysa 27,360. Dowladda Talyaaniga ayaa maanta soo tabisay tiradii ugu badned ee dhimashada cudurka Corona Vurus Waxaana ay sheegtay in maanta ay geeriyoodeen 919 qof. Dhanka kale, Spain waxay diiwaangelisay 769 dhimasho cusub 24-kii saac ee la soo dhaafay, taasoo ka dhigeysa tirada guud ee dhimashada dalka in ay gaartay 4,858 oo qof. Dalka Koonfur Afrika ayaa shaaciyay dhimashadii ugu horreysay ee ka dhalata Covid-19, oo ah xanuun ku dhaca neefmareenka uuna sababo feyraska Corona. Kiisaska la xaqiijiyay ee cudurka Corona gudaha qaaradda Afrika ayaa haatan gaaray in ka badan 3000 oo kiisas, dalka Koonfur Afrika ayaa kamid ah dalalka ugu badan kiisaska. Wuxuu dalkaas lagu soo rogay banddow 21 maalmood ah si looga hortaggo cudurka Covid 19. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip