Xildhibaan dood ka keenay Sababta dowladda ula wareegtay Dugsigii 15 May

0
Saturday March 28, 2020 - 09:58:21 in Wararka by
  • Visits: 239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan dood ka keenay Sababta dowladda ula wareegtay Dugsigii 15 May

    Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa la wareegeysa Dugsiga 15 May oo ay maamuleysay Guddiga Waxbarashada reer Masar ee Soomaaliya, islamarkaana ay Wax ka bartaan arday Soomaaliyed si lacag la'aan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa la wareegeysa Dugsiga 15 May oo ay maamuleysay Guddiga Waxbarashada reer Masar ee Soomaaliya, islamarkaana ay Wax ka bartaan arday Soomaaliyed si lacag la'aan ah. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dugsigan 15 May ka dhigi doonto Machadka Tababarka Macallimiinta Gabdhaha Soomaaliyeed, si sare loogu qaado tayada waxbarashada dalka. Waxaa lagu waddaa la wareegtitaanka inuu dhaqan galo 20 April 2020. Tilaabaddan ayaa kusoo beegan tahay xilli dowladda Soomaaliya ay dib uga laabatay taageeridii qaraarkii Masar ee Wabiga Niil ee Shirkii Jaamacada Carabta, islamarkaana dhexdhexaad ka tahay. Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Amarka lagu xiraayo dugsiga uu yahay mid lagu raaligalinaayo dowladda Itoobiya. "Amar lagu raali gelinayo Itoobiya oo lagu xiray Iskuulkii 15 May ee dowlada Masar maamuleysay, ardayda dhigatana lacag la'aan wax lagu bari jiray! Horay hadii Qalbi Dhagax loogu dhiibay. Dekadihii dalka lagu wareejiyay. Qaraarkii Jaamacada Carabta ee dowlada Soomaaliya horay u taageertay amarkooda looga laabtay."ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip