Puntland oo maanta dhaqangalinaysa Amarkii Joojinta Qaadka

0
Saturday March 28, 2020 - 09:56:11 in Wararka by
  • Visits: 231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo maanta dhaqangalinaysa Amarkii Joojinta Qaadka

    Maamulka Puntland ayaa maanta lagu waddaa in ay dhaqangalinayso Amar kasoo baxay kaasoo ahaa in guud ahaan Puntland ay xirto Xuduudaha ay la wadaagto dowlad degaanka Somaalida iyo Somaliland. Puntland ayaa maanta sidoo kale lagu waddaa in ay jooji

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Puntland ayaa maanta lagu waddaa in ay dhaqangalinayso Amar kasoo baxay kaasoo ahaa in guud ahaan Puntland ay xirto Xuduudaha ay la wadaagto dowlad degaanka Somaalida iyo Somaliland. Puntland ayaa maanta sidoo kale lagu waddaa in ay joojiso qaadka ka yimaada dalka Itoobiya oo soo mara dhanka dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Xuduudaha maamulka Puntland ayaa maanta waxaa gaaray Ciidamo dheeraad ah. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, ayaa shaacisay In laga bilaabo lixda Makhribnimo ee maanta in ay xiran yihiin dhammaan Xuduudaha Puntland la wadaagto Somaliland iyo Dowlad Degaanka Soomaalida DDS. Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa sheegay in dhammaan la joojiyay isu-socodka Gaadiidka iyo Rakaabka ka imaanaya dhanka Somaliland iyo Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia, si looga hortago faafidda cudurka Coronavirus. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip