AKHRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 28-MARCH-2020
Mareykanka oo noqday dalka ugu dar an ee Coronavirus uu saameeyay
Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ay aa sheegaya in dalkaasi uu noqday dalka ugu daran ee Coronavirus uu saameeyay, ka dib markii uu ka sara-maray dalalka Shiinaha, Taly aaniga iyo Spain.
Kiisaska Coronavirus ee guud ahaan dalka Mareykanka laga diiwaangeliyay ayaa gaartay 82,000 oo qof. Waxa uu Mareykanku noqona ya dalka ugu badan ee xanuunkaasi uu saam eeyay. Xog uruurin ay samaysay Jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Mareykanka ayaa la gu sheegay in tirada dad uu ku dhacay Corona virus, ee gudaha dalkaasi ay gaartay 82,000 oo qof.
Illaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in 1,000 ay dalkaasi ugu geeriyootay cudursidaha COVID-19. Dhanka kale dadweynaha Mareyk anka ee shaqo la’aanta ah ayaa gaartay mee shii ugu sareysay, waxaana lacagta ceyrta ee dowladdu bixisay soo codsaday 3.3 milyan oo dadka Mareykanka ah.
Telefishinka CNN ayaa shaaciyay in Mada xweyne Donald Trump uu dalalka caalamka ugu baaqay in Xukuumadda Washington laga caawiyo 25 waxyaabood, oo laga xusi karo sida dawada gacmaha lagu nadiifiyo, qalabka loo adeegsado marka qofka uu naqaska ku dhego iyo afuufka sanka iyo afka lagu xirto.
Caabuqan oo adduunka oo dhan gilgilay ayaa gaaray oo ku fiday 175 ka mid ah dalalka dunida, haba ugu horeeyan kuwa horumaray.
Caalamka oo idil waxaa laga xaqiijiyay in laga diiwaangeliyay 510,108 kiis oo la xiriira caabu qa COVID-19, ee ka dhashay fayriska Corona, waxaana u geeriyootay 22,290, halka ay ka soo bogsadeen 120,000, sida ku cad xog uruurin ay samaysay Jaamacadda Johns Hopk ins.
Dowladda oo Qalab loogu talo galay COVID 19 ku wareejisey Dowlad Goboleedyada
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS ayaa Shalay oo Jimce ah bilaawday qeybinta qalab caafimaad oo loogu talo galay ka diyaar garowga cudurka Corona (COVID-19). Qalabkana ayaa waxaa lagu war eejiyey Shalay xubno ka socdey Punland iyo Soomalind, waxaana qorshaysan in loo sii dhii bo qoondadooda Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug iyo Hirshabeelle.
War kasoo baxey W/Caafimaadka Sooma aliya ayaa lagu sheegay in deeqdaan Qalabka ah Maamul goboleedyada looga baahan yahay inay ugu Shaqeeyaan sida loogu talo galay.
Qalabkaan loogu talo galay ka diyaar garowga cudurka Corona (COVID-19) waxaa Soomaal iya uga deeqay Maalqabeen u dhashay dalka Shiinaha madaxna ka ah Hay’adda Alibaba Foundations,iyada oo loo soo marsiiyey Dowla dda Itoobiya.
Shiinaha oo caawimaad u yaboohay Mareyk anka
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo uu taleefon kula hadlay Jimcaha, u sheegay in ay ka taageeri doonaan dagaalka Cor onavirus,xili Mareykanka uu qarka u saaran yahay inuu noqdo xudunta faa fitaanka caalamiga ah ee cudurkan.
Dalka Mareykanka ayaa iminka ah dalka la ga xaqiijiyey kiisaska ugu badan Coronavirus ee caalamka, oo hadda kor u dhaafay 85,00, kuwaasi oo 1,259 ka mid ah ay geeriyoodeen.
Isbitaallada, sida kuwa magaalooyinka New York iyo New Orleans ayaa la xarbinaya inay la taacaalaan bukaanada tirada badan ee loo keenayo.
Yabooha caawimaad ee Xi ayaa yimid aya da oo Beijing iyo Washington ay dhowaanahan is dhaafsanayeen hadallo kulul oo ay ka mid yihiin kuwa la xiriira Coronavirus. Trump iyo qa ar ka mid ah saraakiisha Mareyk anka ayaa ku eedeeyey Shiinaha inay qarinayaan xogta ras miga ah ee kiisaska Coronavirus ee dalkaas, waxaana Trump uu cudurka ugu yeeray "Fayruska Shiinaha”, taasi oo ka carreysiiyey Beijing.
Xi ayaa intii lagu guda jiray wada-hadalka Teleefon u sheegay Trump in Shiinaha aysan waxba qarineyn, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay wasaaradda arrimaha dibedda Shiin aha.
Dhinaca kale, Trump ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku sheegay inuu "si faah-faa hsan” faafitaanka Coronavirus ugala hadlay Xi.
"China wax badan ayey soo martay, waxayna wax badan oo xooggan ka fahantay Coronav irus, si dhow ayaan u wada shaqeyneynaa,” ayuu yiri Trump.
Mareykanka oo ka hadley Arrimaha deynta Cafinta Soomaaliya
Safiirka Maraykanka u fad hiya Soomaaliya , Donald Yamamoto ayaa Dowladda Soomaaliya ku bogaadiyay heerka ay ka gaartay dedaallada ay ugu jirto in laga cafiyo deymaha , xilli ay taagan tahay halista cudurka Corono virus. Donald Yamamoto, oo bartiisa xiriirka Bu lshada kula hadlay W/Maaliyadda Soo maal iya,Md. Beyle ayaa ugu hambalyeeyay inay So omaaliya ay soo gaartay heerka go’aan qaad ashada ee Barnaamijka deyn cafinta.
Wuxuuna sheegay Safiirku inay Soomaali ya yeelatay mustaqlab ifaya, isagoo intaa raa ciyay inuu Maraykanku ku garab taagan yahay D/Somaliya barnamijka habaynta dhaaqalaha.
Jubbaland oo War Cusub kasoo saar tey xaalada G/Gedo
Baarlamaanka DGJ ayaa waxaa ay sheeg een in DFS ay kuso duushay deegaano ka tirs an G/Gedo,isla markaana dadkii deganaa ay barakaceen.
Kulan gaar ah oo ay ka yeesheen Xil/B/J.Arrimaha G/Gedo ayaa wax aa ay uga hadleen Ciidamada ay do wladda geysaya G/Gedo iyo saameynta ka dhalatay,iyaga oo eedeyn u jeediyey DS. Qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa ay she egeen in badi dadkii ku noolaa degmooyin ka ti rsan G/Gedo,sida Beled-Xaawo iyo dooloow ay barakaceen,isla markaana dhibaatooyin ka la duwan ay heystaan.
Waxaa ay sheegeen inay nasiib darro tahay in xiligaan Dhalinyaro Soomaalia ah ay difaac usugu jiraan meelo kamid ah Soomaaliya, wax aana ay sheegeen in cawaaqib xumada ka dhalata ay qaadayaan Madaxda ugu sareysa DF Xigasho:Risaala.net
Wararkii ugu dambeeyey xaaladda caafim aad ee Nuur Cadde
Xaaladda caafimaad ee R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Ca dde), ayaa soo wanaagsanaaneysa kadib mar kii cudurka Coronavirus uu ku haleelay M/Lon don. Nuur Cadde ayaa cudurka wuxuu ku dhacay 8 maalmood ka hor, taasi oo keentay in isbitalka la dhigo. Nuur Cad de ayaa qaba xanuunka son korta, oo la sheegay in dadka qaba ay kusii badan tahay hali sta Coronavirus.
Si kastaba, Nuur Cadde ay aa lagu warramayaa in hadda uu soo kabana yo, islamarkaana uu awoodo inuu suuliga a ado, sidoo kalena uu tukado, oo uusan ku jirin xaalad deg deg ah, sida uu sheegay wiilkiisa Xaaji Maxamed Nuur Cadde.
Sidoo kale wiil uu dhalay Nuur Cadde oo Daahir Nuur lagu magacaabo ayaa ku jira isb itaal ku yaala magaalada London, kaasi oo is na la sheegay in xaaladdiisa ay wanaagsan tahay.
Dhinaca kale, Xaaji Maxamed Nuur Cadde ayaa beeniyay, oo wax lagu xumaado ku tilm aamay, warar saacadihii la soo dhaafay lagu qoray baraha bulshada oo ah inuu geeriyood ay Nuur Cadde, isagoo xusay in waqtigiisa uu dhimanayo, balse aanay xaaladiisa aheyn mid si aad ah u liidata. Nuur Cadde oo 83 sano jir ah ayaa sanadihii 2007 iyo 2009 ahaa R/Wa saaraha XKMG dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore C/hi Yuusuf. Cudurka Co ronavirus ayaa guud ahaan M.London ku sa ameeyey 16 qof oo Soomaali ah, ayada oo qof kii 4-aad oo Soomaalida ka mid ah uu Habeen hore
Magaaladaas ugu geeriyooday cudurkan.
Mareykanka oo dalbaday in lala soo gaaro gargaar caafimaad oo deg deg ah
Dalka Mareykanka oo isku arka inuu yahay dalka ugu awooda badan Caalamka ayaa dalb aday in lala soo gaaro gargaar caafimaad oo deg deg ah kadib markii ay soo bateen kiisas ka Cudurka Coronavirus ee laga helay dalka as. Madaxweynaha dalka Mareykanka Trump ayaa baaq deg deg ah u diray dalalka Caalamka isagoo ka dalbaday inay lasoo gaaraan ama ay ka iibiyaan qalab Caafimaad oo looga hortago cudurka Corona Virus sida ay qoreen qaar ka tirsan warbaahinta Mareyk anka.
Qalabka uu Mareykanka ka doonayo dalal ka Caalamka ayaa waxaa kamid ah mashiinka neefta ka caawiya dadka uu naqaska ku dha go, dawada gacmaha lagu nadiifiyo, maryaha sanka iyo afka lagu xirto, qalabka wajiga lagu xirto, dharka qafilan ee dhakhaatiirta iyo kalk aaliyayaasha ay xirtaan iyo kuwa kale oo bad an. Mareykanka ayaa dalalka Caalamka ugu baaqay inaysan dhayalsan codsigiisa isla mar kaasna si deg deg ah loo caawiyo maadaama uu si xowli ah usii faafayo cudurka Corona Vir us oo halis weyn ku hayo dhammaan daafaha Caalamka.
Warbaahinta CNN ee Mareykanka ayaa ku soo warrantay in ay heshay dukumenti muuj inaya in Mareykanka uu diblomaasiyiinta dalal ka caalamka u fadhiya Washington ka dalbad ay 25 shey oo agab caafimmaad ah, kuwaas oo ay sheegtay in aad loogu baahan yahay xilli gan.
Sarkaal sare oo xukuumadda madaxweyne Trump u qaabilsan dhanka ganacsiga oo lagu magacaabo Peter Navarro ayaa wargeyska The New York Times u sheegay in Mareykan ka uu xitaa gargaar caafimmaad weydiistay Shiinaha oo uu Trump ku eedeeyay in aysan wax badan ka qabanin faafidda fayraska.
Arrintan ayaa imaneyso xilli dhawaan D/ Turkiga ay sheegtay in gargaar caafimaad ay u dirtay dalka Mareykanka oo hadda ka mid ah dalalka la daalaa dhacaya fayraska Covid-19, Gargaarkan ayaa ah qalabka lagu baaro fayr aska corona oo gaaraya 500,000 oo Turkiga uu u diray dalka Mareykanka.
Dadka uu ku dhacay xanuunka corona ee dalka Mareykanka waxay tiradoodu gaartay 85 kun, halka 1,300 oo qofna ay u dhinteen. Mar eykanka haatan waxaa uu ka sare maray dal alk Shiinaha iyo Talyanaiga oo ahaa dalalka u gu badan ee laga soo shegay feyraska corona.
BBC-da oo xireysa Idaacadda Xalay Iyo Caalamka ee laanta Afsoomaaliga.
Si loo asteeyo barnaamijkii ugu dambeeyay ee Idaacadda Xalay iyo Caalamka ee BBC-da laanteeda Afsoomaaliga, waxaa 27-ka Ma rch bixi doona barnaamij khaas ah.
Waxyaabaha lagu soo qaadan doono waxaa ka mid ah maqaal dhageysi ah oo dib u eegis loogu sameynayo taariikhda barnaamij kan habeen walba bixi jiray iyo sida uu isha ug u ahaa xog badan, falanqeyn iyo madadaalo ay dhageystayaasha ka heli jireen muddo toba nnaan sano ah. Waxaa kale oo barnaamijka qeyb ka noqon doona wareysi uu tifaftraha cus ub ee BBC Somali Muxyadiin Axmed Rooble ku faahfaa hinayo sababaha ka dambeeya xi ritaanka barn aamijka Xalay iyo Caalamka iyo mustaqbalka laanta Afsoomaaliga ee BBC-da – iyadoo bar naamijyo cusub na la billaabi doono.
Xirida barrnaamijka waxay qeyb ka tahay qorshe guud ee BBC-du guud ahaan, iyada oo la xiray barnaamijyo kale oo dhowr ah islamark aasna la soo kordhiyo kuwo kale oo u badan dhanka warbaahinta adeegga internetka (dig ital). BBC Somali waxay sii wadi doontaa in ay u shaqeyso dadka ku xiran iyadoo usoo gud bin doonta barnaamijyo isku dhaf ah oo maalin kasta bixi doona oo lagu soo qaadan doonaan xaaladaha taagan, falanqeynta wararka, farsh axanka, dhaqanka iyo ciyaaraha.
Barnaamijka Muusiga iyo Salaamaha ee bi xi jiray habeenka khamiista ah wuxuu hadda ka dib soo gali doonaa Shalay Khamiista ah.
Rachael Akidi, oo ah madaxa luqadaha BBC-da ee Bariga Afrika ayaa tiri: "xiritaankan wux uu yimid xilli xasaasi ah, oo dunida ay la tacaa leyso xasarado aan lasii fileynin. Waxaan bul shadeenna Soomaalida ah usoo saari doon naa barnaamij gaar ah oo si toos ah looga ha dlayo arrimaha coronavirus. Waxaa lagu soo bandhigi doonaa wararkii ugu dambeeyay ee cudurkan safmarka ah iyo talooyin caafim aad”. BBC Africa waxay horayba maalgalin sameyn weyn leh ku sameysatay Telefishinka BBC Somali. Barnaamijkaas telefishinka wax aa la ballaariyay oo 30 daqiiqo laga dhigay sa nad kii 2018-kii. Wuxuu na qeyb ka ahaa ball aarin lagu sameynayay barnaamijyada caalami ga ah ee BBC-da.
Taas waxaa sii dheer in BBC Somali ay ma algalin ku sameysay warbaahinta casriga ah ee adeegga internetka si loo kordhiyo dad ka ku soo xirmaya website-ka, YouTube, iyo bar aha kale ee warbaahineed. Qorshaha xiriraan ka idaacadda Xalay iyo Caalamka waa mid in muddo ahba ay ka baa raandegeysay BBC wi xii ka dambeeyay markii la bilaabay telefishin ka BBCSOMALI labo san no kahor. Barnaamij ka telefishinka waxaa la baahiyaa saacad ka hor xilliga idaacadda saga alka habeenino.
"Waxaana rajeyneynaa in xiritaanka barnaa mijka Xalay iyo Caalmaka uu dhageystayaa sha si toos ah ugu weecin doono telefishin keenna oo laga daawan karo TV-yada maxall iga ah ee aan bah-wadaagta nahay ama bog ga internet-ka ee BBC Somali website – isag oo toos ah iyo isagoo dalbasho ahba”, ayay tiri Rachael.
Muxyadiin Axmed Rooble, tifaftiraha cusub ee BBC Somali wuxuu yiri: "Waxaan diiradda saareynaa maalgelinta iyo horumarinta warbaa hinta casriga ah ee digitalka si aan u gaarno u guna adeegno dadka nagu xiran, una soo-jee dano kuwo cusub oo kusoo xirma BBC Soma li”. "BBC Somali waxay dedaal ugu jirtaa inay la jaanqaado horumarka dhanka teknoolijiyada iyo warbaahinta ee dunida ka hirgeshay. Sid aas oo ay tahay, dhegeysteyaasheenna raadi yaha waa inoo muhiim oo waan sii wadi doo naa in aan u adeegno”. BBC Somali waxaa la daah furay 18-kii bi shii July ee sanadkii 1957-kii, haddana waxay gaartaa dadka af-soomaaliga ku hadla ee ku nool dunida qeybaheeda kala duwan iyadoo telefishin ah, online ah, iyadoo laga soo raaca yo baraha bulshada iyo iyadoo laga dhageysa nayo raadiyaha, oo ah meeshii ay ka billaaba tay laanta afsoomaaliga. XIGASH:-OBBC
Guddiga Doorashooyinka iyo Taliska Ciid anka Booliska oo ka wadahadlay sugida amniga doorashooyinka.
Markii kulan ay M/Muqdisho ku yeesheen G/G/Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qar anka Xaliima Ismaaciil Ibraahim iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Maxam ed Xajaar ayaa waxaa ay uga wadahadlayaan arimaha amaanka doorashooyinka dalka ka dhici doono dabayaaqada sanadkaan 2020 iyo horaanta 2021.
Gudoomiyaha iyo Taliyaha Booliska ayaa ka wada hadlay fulinta hawlihii looga balamay kulamadii u dambeeyay ee u yeeshay Guddiga Amniga Doorashoo yinka wa xaa sidoo kale ay ka wada had leen u daadajinta G/Am niga Doorash oyinka heer D/G. iyo sidii loo samayn lahaa qorshe wadajir ah ka soo la jaanqadaya hawlaha iyo hanaanka farsa mo ee hawlaha doorashada sida diiwangalinta codbixiyaha.
Kulankaan ayaa kusoo aadaya iyadoo hor aantii isbuucan uu Guddiga Madaxabannan ee Doorashooyinka Qaran ka warsaxaafade ed uu soo saarey uu ka dalbad ey in Guddiga Amniga Doorashooyinka ay dardargaliyaan hawlaha sugida Amniga Doora shooyinka. Taliyaha oo u mahadceliyay Guddi ga Madaxa banaan ee Qa ranka ayaa dhan kooda ballan qaaday in soo dadajin doonan hawlaha iyaga xagooda ah isa goo guddiga ku amaanay sida ay oga go’antah ay qabsoomi dda Doorashada dalka
Guddiga doorashooyinka ayaa mudooyin kii dambe waxaa ay kulamo ka wadeen M/ Mu qdisho iyo gobolada dalka.
Booliiska Gobolka Bari oo Boosaaso ku soo bandhigay Khamri fara badan
Taliska Booliiska G/Bari ayaa Habeen hore M/ Bo osaaso ku soo bandhigay khamri aad u badan oo laga soo qabtay xaafadaha kala duwan
ee Boosaaso. Taliyaha Qeybta Booliiska G/Bari G/sare Xuseen Cali Max amuud,oo warbaahin ta kula had lay goo bta lagu soo ba ndhigay khamrigaas, ayaa shee gay inuu ka koobanyahay in ka badan 10,000 oo dhalo, islamarkaana la doonayay in lagu fasahaadiyo shacabka Boos aaso.
G/sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa shee gay in ciidamada Booliiska iyo PMPF oo iskaa shanaya, ay khamrigaas ka soo qabteen xaaf adaha kala duwan ee Boosaaso, kadib hawlga llo ay ka sameeyeen gudaha magaalada.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa xusay in khamrig aas yahay kii ugu badnaa ee abid la soo geliyo M/Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland,
Balse ay ciidamadu ka hor tageen in bulshada lagu fasahaadiyo. Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu hanjabaad kulul u diray cid kasta oo ku hawllan in ay Boo saaso soo geliso mukhaada raadka noocyadii sa kala duwan,gaar ahaanna khamriga iyo xashiishka. uu hoggaanka
markaa jooga qabtay
Ra’iisul Wasaaraha Uk oo laga helay Coronavirus
R/Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa la ga helay xanuunka dunida kusii faafaya ee co ronavirus, kaddib mar kii baari taan lagu sa meeyay.
Xafiiska R/ Wasaar aha UK ayaa shaaci say warkan.
Mr Johnson ayaa qaba calaam ado sahlan oo ka mid ah kuwa uu leeyahay cudurka, wuxuuna si shakhsi ah aan ah isugu karantiilay gudaha xafiiskiisa.
"Waxaa laga baaray coronavirus kaddib markii uu si gaar ah ula taliyay madaxa waax da caafimaadka, Chris Whitty,2 ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaara ha. Boris Johson wali wuxuu sii heyn doonaa xilka iyo maamulka dowladda, xilli lala tacaala yo xasaradaha ka dhashay cudurkan, sida la gu sheegay bayaanka.
Bartiisa Twitter-ka ayuu Mr Johnson ku yiri: "24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaan isku arkay calaamado aan xoog badneyn waxaana iska baaray coronavirus. Hadda waan is karan tiilay, laakiin waan sii wadi doonaan inaan dow ladda ku hoggaamiyo dagaalka ay kula jirto fayraskan, anigoo shirarka uga qeyb qaadan doona muuqaal ahaan.
"Annagoo wadajir ah waan ka adkaan doonnaa arrintan.”
Markii ugu dambeysay ee Mr Johnson la ar kay waxay ahay habeenimadii Khamiista, xilli uu ka qeyb qaadanayay munaasabad loogu mahad celinayay shaqaalaha Waaxda Qaran ee Caafimaadka UK (NHS).
Horaantii Isbuucan, afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha ayaa xaqiijiyay in Wasiirka Arrim aha Dibadda, Dominic Raab, uu la wareegi do ono howlaha Ra’iisul Wasaaraha, haddii uu Mr Johnson xanuunsado
Dowladda Qadar oo safaarad weyn ka dhisaneysa Soomaaliya
Dowladda Qatar ayaa safaarad cusub ka dhi saneysa M/Muqdisho, taasi oo ah astaan kale oo muujineysa soo kabashada caasimadda Soomaaliya, waxaa sidaas qoray wargeyska Middle East Monitor. Safaaradda Qatar ee Soomaaliya ayaa la filayaa inay noqoto tan 2aad ee ugu weyn ee Soom aaliya, kadib midda Turkish-ka.
Middle East Monitor, ayaa warka dhismada safaaradda cusub kasoo xigatay sarkaal ka tirsan wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Axmed oo sawirada naqshadda safaaradda ku shaaciyey Twitter. Qatar ayaa sanaddii 2019 waxay Soo maaliya ka billowday fulinta mashruucyo hour marineed oo dhowr ah.
Qatar ayaa dhiseysa dekedda cusub ee M/Hobyo, taasi oo loo arko maal-gelin ballaa ran oo ay ku sameysaneyso mid ka mid ah dek edaha Soomaaliya ee ay ku loolamayaan dala lka Khaliijka. Qatar ayaa loo arkaa dowladda u gu dhow ee saaxiibka la ah dowladda feder aalka ah ee Soomaaliya.
Wararkii ugu dambeeyey tirada Soomaali da Coronavirus ugu geeriyoo tay Ingiriiska
Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaara yo M/London ee dalka Ingiriiska ayaa sheega yo inuu halkaas cudurka Coronavirus ugu gee riyooday muwaadin Soomaaliyeed oo lagu ma gacaabi jiray Maxamed Salaad. Marxuum Ma xamed Salaad ayaa la xanuunsanayey cudurka Coronavirus, waxaana u gu dambeyntii la xaqiijiy ey inuu u geeriyooday cudurkaas.
Waa muwaadinkii 4aad oo u dhashay Soo maaliya oo dalka Ingiriiska ugu geeriyooday cudurkan Coronavirus oo dhibaato xoog leh ku hayo Adduunyada. Sidoo kale waxaa la xaqii jiyey in xaaska marxuumka geeriyooday iyo ca rruurtiisaba ay la xanuunsanayaan cudurkaas inkastoo dhakhaatiirta ay sheegeyn in caafim aadkooda uu fiican yahay.
Guud ahaan tirada Soomaalida la xaqiijiyey ee ku nool ingiriiska kuwaas oo la xanuunsana yo cudurkaan ayaa la sheegay inay gaarayaan illaa 16 qof. Ra’iisalwasaarihii hore ee Soom aaliya, Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde iyo wi il uu dhalay oo Daahir lagu magacaabo ayaa ka mid ah Soomaalida London ku nool, ee uu soo ritay Coronavirus.
Boqortooyada UK ayaa laga diiwaangeliyay kiisas gaaraya 11,658 oo caabuqa COVID-19 ah, waxaana ugu dhimatay 578 qof, Dorraad oo keliyana waxaa ugu geeriyootay 113 ruux.
Caalamka oo idil waxaa laga xaqiijiyay in la ga diiwaangeliyay 510,108 kiis oo la xiriira caa buqa COVID-19, ee ka dhashay fayriska Coro na, waxaana u geeriyootay 22,290, halka ay ka soo bogsadeen 120,000, sida ku cad xog ur uurin ay samaysay Jaamacadda Johns Hopk ins.
Turkey oo Sacuudi Carabiya ku eedey say inay dunida ka qarisay arrin xasaasi ah
Turkey ayaa ku eedeysay Sacuudi Carabiy a inay dunida ka qarisay tirada dadkii tegay cu mrada ee laga helay cudurka Coronavirus, taasi oo halis gelisay dadaallada lagu xakamey nayo faafitaanka cudurkaas. Wasiirka arrimaha gudaha Turkey Suleyman Soylu ayaa sheegay in kiisaskii ugu horreeyey ee Coronavirus ee Turkey la helay kaliya kadib markii baaritaan la gu sameeyey dadkii dalkaas u dhashay ee ka soo laabtay Sacuudiga.
Waxa uu sheegay in ka hor dadkaas, aan Turkiga lagu arkay wax kiisas ah oo la xiriira Coronavirus."Sacuudi Carabiya naguma werge lin annaga iyo dunida kaleba kiisaska Corona virus,” ayuu yiri yiri Suleyman Soylu oo la had lay wakaaladda warraka Turkey ee Anadolu.
"Markii dadka ay kasoo laabteen cumrada, wasaaradda caafimaadka waxay qaaday talla abooyin kadib markii qaarkood laga helay Cor onavirus, waxaana la geeyey xarumo lagu hayo,” ayuu yiri. Turkey ayaa waxay xaqiijisay in 75 qof ay cudurkaas ugu dhinteen dalka, ha lka guud ahaan uu sameeyey 3,629 qof. Si kas taba Turkey ma aysan diiwaan-gelin wax kiisas ah ka hor inta aan laga helin dadkii kasoo lab tay cumrada. Turkey ayaa waxay xanuunkan ka baartay 40,000 qof, kadib markii Shiinaha ay ka he shay 50,000 oo ah qalab 15 daqiiqo gudahood ku sheega natiijada baaritaanka. Waxay sidoo kale fileysaa inay Shalay hesho 300,000 oo kale oo ah aaladaha tijaabada oo ka imanaya Shiinaha.
Dadkii ugu horreeyey oo u dhintay Coronavirus Koonfur Afrika
Koonfur Afrika ayaa Jimcaha Shalay ah xaqiijisay labadii kiis ee cudursidaha corona virus uu ku dilo dalkeeda xilli kiisaska dadka uu fayrasku ku dhacay ay kor u dhaaftay kun qof, lana billaabay in si adag loo xayiro dha qdhaqaaqa dadka muddo saddex toddobaad ah.
Wasiirka caafimaadka dalkaasi Zweli Mkh ize ayaa xaqiijiyay geerida labadan bukaan, isagoo sheegay in labaduba ay ku dhinteen gobolka Western Cape. Koonfur Afrika ayaa dii waangelisay in kabadan 1,000 kiis oo Corona virus ah iyadoo ah dalka ugu badan ee uu xan uunka dhibaatada ugu daran ku hayo qaarad da Africa oo dhan. Gabi ahaan qaaradda ayaa soo warisay isku dar 3,000 oo qof la xaqiijiyay inay qabaan Coronavirus.
Xayiraadda isku socodka dadka ee dalka asi ka dhaqan gashay Shalay ayaa loo ar kaa iney tahay tii ugu adkeyd iyadoo dadka loo og gol yahay oo qura iney guryahooda uga baxa an si ay u soo ibsadaan raashin ama u tagaan farmashiyeyaasha.
Xuduudaha Koonfur Afrika ayaa horey lo oga xiray gaadiidka dadka daabula, ase aha atee waxa ay u furan yihiin xamuulka sida sahayda daruuriga ah sida raashinka.Xannib aadda la saaray dalkaasi ayaa ka badnaan kar ta 21 cisho haddii ay xaaladda coronavirus sii socoto.
66 jir noqday qofkii ugu horeeyay oo Kenya ugu geeriyooda Coronavirus
Kenya ayaa diiwaangelisay qofkii ugu hore eyay oo dalkaasi ugu geeriyooda caabuqa dila aga ah ee Coronavirus, ka dib markii uu u geeriyooday nin 66 jir ahaa. Bayaan Khamiistii ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Caafimaadka Kenya, Mutahi Kagwe ayaa lagu sheegay 66 ji rkan in uu noqday qofkii ugu horeeyay, oo u dhinta Coronavirus, gudaha dalka Kenya.
Bayaanka ayaa waxaa lagu sheegay nink aasi in 13-kii bishan uu ka soo laabtay dalka K/Afrika, isla-markaana uu la xanuunsanayay xanuunkan saf marka ah.
Sidoo kale waxaa bayaanka lagu sheegay in 66 jirkaasi uu qabay amaba uu horey ula tac aalayay xanuunka macaanka. 66 jirkan oo mu waadin Kenyan ahaa ayaa gel inkii dambe ee Khamiistii ku geeriyooday Isbitaalka Aga khan ee Magaalada Nairobi.
Dalka Kenya ayaa waxaa xilligan laga diiw aangeliyay in 28 qof laga helay xanuunka dhee reeya ee COVID-19, guud ahaan dalkaasi.
Caabuqan oo adduunka oo dhan gilgilay ayaa gaaray oo ku fiday 175 ka mid ah dalalka dunida, haba ugu horeeyan kuwa horumaray.
Caalamka oo idil waxaa laga xaqiijiyay in laga diiwaangeliyay 510,108 kiis oo la xiriira caab uqa COVID-19, ee ka dhashay fayriska Coro na, waxaana u geeriyootay 22,290, halka ay ka soo bogsadeen 120,000, sida ku cad xog uruurin ay samaysay J/madda Johns Hopkins.
OGAYSIISKA GUUD DIGNIINTA GANACSIGA
Bixby
OGEYSIISKA HALKAN buu ku siinayaa in astaanta ganacsiga ee kor ku xusan ay tahay hantida SAMSUNG ELECTRONICS CO., LTD, incorporated in the Republic of Korea of 129, Samsung-ro, Yeongtong-gu, Suwon-si, Gyeonggi-do, Korea iyo in la mid ah sumadda ganacsiga waxaa loo isticmaalaa alaabada soo socota:
Fasalka 07: Shaqooyinka maalinlaha ah ee caawinaya robots ujeeddooyinka qoyska; Nadiifinta faakiyuumka robotic; makiinadaha dharka lagu dhaqo oo loogu talagalay ujeedooyinka guriga; mashiinada dharka lagu dhaqo ujeeddooyinka guriga; Nadiifiyeyaasha vacuum; bacaha hawo nadiifinta ah.
Fasalka 09: Qalabka kumbuyuutarka ee maareynta macluumaadka shakhsiyeed; telefoonnada casriga ah; kombiyuutar codsi kumbuyuutar oo loogu talagalay taleefannada smart, taleefannada mobilada, kombiyuutarrada la qaadan karo iyo kombiyuutarrada kiniiniga ah, oo ah, softiweer loo isticmaalo in lagu shaqeeyo nidaamka aqoonsiga codka; barnaamij kumbuyuutar kumbuyuutareed loo adeegsado xirfadleyda softiweerka si loo hirgaliyo is dhexgal, shaqsi ahaaneed iyo caqli gal ah barnaamijyada kombiyuutarka iyo aaladaha qalabka kumbuyuutarka; kombiyuutarka kombiyuutarka ee kelmadaha; kumbuyuutar kumbuyuutareed loo isticmaalay in lagu farsameeyo amarrada codka; hadalka barnaamij ku-beddelashada qoraalka; barnaamij aqoonsi cod; kumbuyuutar kumbuyuutar kumbuyuutareed oo awood u siinaya adeegsiga taleefanka gacmeed gacmo la'aan ah garashada codka; qalabka kombiyuutarka ee loo adeegsado xakameynta macluumaadka codka lagu xakameeyo iyo aaladaha isgaarsiinta; kumbuyuutar kumbuyuutar loo adeegsado xakameynta macluumaadka codka lagu xakameeyo iyo aaladaha isgaarsiinta; taleefannada gacanta; barnaamij kombuyuutar kumbuyuutareed oo loogu tala galay isticmaaleyaasha inay la wadaagaan macluumaadka si ay u bixiyaan is dhexgalka iyo sirdoonka shaqsiyeed ee loo adeegsado aaladaha adag ee kumbuyuutarka iyo barnaamijyada is dhexgalka ee internetka; Qalabka aqoonsiga elektiroonigga ah; kumbuyuutar kumbuyuutar kumbuyuutar oo loogu talagalay jadwalka ballamaha, xusuusinta, iyo munaasabadaha kalandarka elektaroonigga ah; software soo celinta macluumaadka ku saleysan taleefanka; kumbuyuutar kumbuyuutar kumbuyuutar oo loogu talagalay kaydinta, abaabulka, iyo marin u helista lambarrada taleefannada, cinwaannada, iyo macluumaadka kale ee lala xiriirayo; kumbuyuutarro; kumbuyuutarrada kiniiniga ah; kumbuyuutarrada la qaadan karo; barnaamij ku shaqeynaya qalabka isgaarsiinta ee la qaadan karo iyo alaabada elektiroonigga ah ee dijitaalka ah; saacadaha smart
Fasalka 11: Nalalka LED; Nalalka nalalka; uumi-baxayaasha isticmaalka guriga; foornooyinka karinta ee korantada; Qalabka maaraynta dharka korantada ee dabeecadaha dharka guryaha loo isticmaalo ujeeddooyinka guriga; mashiinada maareynta dharka korontada ee qalajinta dharka ujeedada guriga; nadiifiyaha hawada; shaandhaynta nadiifiyaha hawada; Taageerayaasha korantada; qaboojiyeyaasha hawada; kontaroolka dibedda, oo ah, haamaha hawada dibedda ee hawo-qaboojiyeyaasha; qalabka karinta iyo rakibidda; qaboojiyeyaasha korantada; xaddiga korantada; Qalabka dharka lagu dhaqo ee korantada; foornooyinka microwave; Qalabka wax lagu karsado, sida, karinta.
Fasalka 14: Qoorta; dahabka, taas oo ah, siddooyinka; saacadaha gacmaha lagu dhejiyo; saacado; waardiyeyaal; qaybaha iyo rakibidda saacadaha; xargaha saacadaha; saacadaha elektiroonigga ah iyo saacadaha; xakamaynta saacadaha (saacadaha waaweyn); dahabka, taas oo ah, jijimooyin.
Fasalka 35: Bixinta macluumaadka ku saabsan badeecadaha iyada oo loo marayo shabakadaha isgaarsiinta loogu talagalay xayeysiinta iyo ujeeddooyinka iibka; hay'adaha macluumaadka ganacsiga iyo ganacsiga; abaabulka dhacdooyinka, bandhigyada, carwooyinka iyo bandhigyada loogu talagalay ganacsiga, xayeysiinta iyo ujeedo xayeysiinta; macluumaadka ganacsiga iyo talooyinka macaamiisha marka la dooranayo alaabada iyo adeegyada; adeegyada dalbashada khadka tooska ah; adeegyada xoghaynta iyadoo la adeegsanayo barnaamijyada barnaamijka sirdoonka ee macmalka ah; adeegyada dib u soo celinta xogta internetka; adeegyada dukaannada tafaariiqda leh ee leh muuqaal maqal iyo muuqaal ah iyo qalab; adeegyada dukaannada tafaariiqda leh ee ku xardhan mashiinnada isgaarsiinta iyo qalabyada; bixinta macluumaadka tusaha taleefanka; jawaabta telefoonka iyo adeegyada maaraynta farriinta; siinta macluumaad iyo talo macaamiisha laxiriirta xulashada alaabooyinka iyo waxyaabaha la iibsanayo; adeegyada xoghaynta iyadoo la adeegsanayo chatbot; xayeysiinta internetka ee shabakadda kumbuyuutarka; adeegyada dukaannada tafaariiqda ee ay ka muuqdaan kumbuyuutarada; adeegyada dukaannada tafaariiqda ee kumbuyuutareedka iyo waxyaabaha la dhejiyo; Raadinta xogta faylasha kombiyuutarka ee dadka kale
Fasalka 38: Siinta adeegsiga marin habaabinta shabakad kumbuyuutar caalami ah; fududaynta telefishanka baahinta ee shabakadaha isgaarsiinta caalamiga ah, internetka iyo shabakadaha wireless-ka; isgaarsiinta iyada oo loo marayo shabakadaha isgaadhsiinta ee caalamiga ah; qulqulka xogta; baahinta raadiyaha; adeegyada la-talinta iyo la-talinta ee la xiriira isgaarsiinta wireless-ka iyo qalabka isgaarsiinta wireless; kireysiga mashiinada isgaarsiinta wireless iyo aaladda; qolal sheekaysiga qumman oo lagu aasaasay fariin qoraal ah; gudbinta xogta / dhawaqa iyo sawirrada dayax gacmeed loogu talo galay adeegga macluumaadka adeegga; gudbinta, baahinta iyo soo dhaweynta maqalka, fiidiyowga, wali iyo sawirada dhaqdhaqaaqa, qoraalka iyo xogta waqtiga dhabta ah; adeegsiga muuqaallada fiidiyowga ee isdhaxgalka; bixinta qolalka lagu sheekeysto ee khadka tooska ah; bixinta iyo kiraynta xarumaha isgaarsiinta iyo qalabka; adeegyada boostada; adeegyada garaacista codka-shaqeynaya; bixinta adeegyada wadahadalka codka; adeegyada warbaahinta internetka; gudbinta elektiroonigga ah ee codka, sawirrada iyo xogta kale iyo macluumaadka nooc kasta oo ah xagga internetka; kirada qalabka isgaarsiinta; adeegga boodhka ogeysiiska elektiroonigga ah (adeegyada isgaarsiinta); gudbinta xogta elektiroonigga ah; adeegyada fariimaha qoraalka ah; baahinta telefishanka; kirada nidaamyada isgaarsiinta; adeegyada fiidiyowga fiidiyowga
Fasalka 42: Software sida adeeg (SAAS) adeegyo kumbuyuutareed kumbuyuutar kumbuyuutareed loogu talagay abuurid, qoraa, qaybinta, duubid, gudbinta, qaabilaad ah, ciyaarid ah, tafatirid ah, soo saarid ah, codeyn ah, soo bandhig ah, keydinta iyo abaabulka qoraalka, sawirada, sawirada, maqalka, fiidiyowga, iyo waxyaabaha ku duuban warbaahinta, kombiyuutarka kombuyuutar ee loogu talagalay maaraynta macluumaadka shakhsiyeed, softiweerka maareynta kaydinta kombiyuutarka, kombiyuutarka kombuyuutarrada lagu aqoonsado, hadalka cod u qaadidda qoraalka, barnaamijyada kombiyuutarka ee karti u leh kombiyuutarka kombiyuutarka ee gelitaanka, baarista iyo baarista xogta internetka, kombiyuutarka kombiyuutarka. loo isticmaalay in lagu farsameeyo amarrada codka iyo abuurista jawaabaha maqalka ee amarrada codka, kombiyuutarka kombiyuutarka ee loogu talagalay ballan-qaadyada, barnaamijyada kombiyuutarka ee loogu talagalay jadwalka ballamaha, xusuusinta, iyo munaasabadaha kalandarka elektaroonigga ah, softiweerka kumbuyuutarka ee loogu talagalay abaabulka iyo helitaanka lambarada taleefannada, cinwaannada, iyo macluumaadka kale ee lala xiriirayo, kumbuyuutar kombiyuutar oo lagu bixiyo tilmaamaha safarka, softiweerka kumbuyuutarka awood u siinta adeegsiga taleefanka gacmeed gacmo la'aan ah iyadoo la adeegsanayo aqoonsi codka, iyo barnaamij kumbuyuutar kumbuyuutareed loogu tala galay kaydinta hoteelada iyo maqaayadaha; adeegyada bixiyaha adeegga (ASP) adeegyada muujinta softiweerka kumbuyuutarrada iyo bixinta softiweerka kumbuyuutarka ee aan la soo bixi karin, kuwaas oo ah, kumbuyuutarrada kumbuyuutarrada ee wax abuurka, qorista, qeybinta, duubista, wareejinta, qaabilaadda, ciyaarista, tafatirka, soo saarista, nuqulinta, dejinta, muujinta, keydinta iyo abaabulka. qoraalka, sawirada, sawirada, maqalka, muuqaalka, iyo muuqaallada badan, softiweerka kumbuyuutarka ee maareynta macluumaadka shaqsiyeed, softiweerka maareynta macluumaadka, softiweerka kumbuyuutarrada kombiyuutarka, barnaamijyada codka lagu aqristo, hadalka barnaamijyada badalashada qoraalka, barnaamijyada kumbuyuutar ee awood u siinta helitaanka, softiweerka kumbuyuutar ee helitaanka, baarista iyo baarista xogta kombiyuutarka, kombiyuutarka kumbuyuutarka loo adeegsado habsocodka amarada codka iyo abuurista jawaabaha maqalka ee amarrada codka, softiweerka kumbuyuutarka ee loogu talagalay ballanta, ballamaha, iyo munaasabadaha kalandarka elektaroonigga ah, softiweerka kumbuyuutarka ee loogu talagalay abaabulista iyo helitaanka lambarada taleefannada, cinwaanada, iyo macluumaadka kale ee lala xiriirayo , kumbuyuutar kumbuyuutar kumbuyuutareed lagu siinayo jihooyinka safarka, softiweer kumbuyuutar loogu talagalay suurtagelinta adeegsiga taleefanka gacantu gacma-la’aanta ah iyada oo loo marayo garashada codka, iyo softiweerka kumbuyuutarrada loogu talagalay kaydinta hoteelada iyo maqaayadaha; siinta adeegsiga ku-meel-gaarka ah ee softiweerka aan-la-soo-dejin karin iyo codsiyada loo adeegsado isticmaaleyaasha si ay ula wadaagaan macluumaadka si ay u bixiyaan is-dhexgal iyo sirdoon shaqsiyeed si loogu isticmaalo dhex-gelinta aaladaha kombiyuutarka iyo internetka
OGEYSIISKA WAAXAA SIDO KALE BIXINAYA. WAA SAMSUNG ELECTRONICS CO., LTD.waxay sheeganeysaa dhammaan xuquuqaha sumcadda ganacsi ee Soomaaliya waxayna bilaabi doontaa talaabo sharci ah oo ku habboon qofkasta ama shakhsiyaadka lagu helo inuu isticmaalayo sumadda ganacsiga ama astaan ganacsi kasta oo khiyaano ama jahwareer la mid ah, ama haddii kale ku xadgudbay xuquuqdeeda
OGAYSIISKA GUUD DIGNIINTA GANACSIGA
OGEYSIISKA HALKAN AYAAD KU SAMEEYAAN in sumadda ganacsiga ee kor ku xusan (HANKOOK Innovative Performance Device) is the property of HANKOOK TECHNOLOGY GROUP CO., LTD. of 133, Teheran-ro(Yeoksam-dong), Gangnam-gu, Seoul, Republic of Korea iyo isla sumadda ganacsi ee loo isticmaalo badeecada soo socota:
Fasalka 12: Taayirada baabuurta; Taayirada Baaskiilka; Qalabka taayirrada taangiyada sambabaha ku dhaca; Daboolida taayirrada; Taayirada mootada; Xirmooyin balaastig ah oo jilicsan oo loogu talagalay hagaajinta tuubooyinka gudaha; Tuubooyinka gudaha ah ee baaskiiladaha; Tuubooyinka gudaha ee mootooyinka; Tuubooyinka gudaha ee loogu talagalay taayirrada pneumatic; Tuubooyinka gudaha ah ee giraangiraha gawaarida; Tuubooyinka gudaha ee loogu talagalay taayirada baabuurta; Shandado shandado loogu talagalay gawaarida; Taayirada pneumatic; Dharka dayactirka tuubooyinka gudaha; Qiimaha gawaarida gawaarida; Daboollada koofiyadaha ee baaskiiladaha; Koofiyadaha xuubka loogu talagalay mootooyinka; Suumanka badbaadada kuraasta gawaarida; Qeybaha fariimaha baabuurta; Gawaarida gawaarida; Gawaarida gawaarida barafka; Dhibcaha taayirrada taayirrada; Muraayadaha taayirrada; Taayirada loogu talagalay giraangiraha gawaarida; Taayirada, adag, ee giraangiraha baabuurta; Gawaarida dib loogu laabto taayirrada; Gawaarida gawaarida [suumanka xarkaha]; Gawaarida gawaarida [nooca cagaarka]; Taayirada aan wanaagsanayn ee baaskiiladaha; Taayirada aan wanaagsanayn ee mootooyinka; Fiilooyinka taayirada gawaarida; Taayirada baabuurta.
OGEYSIISKA WAAXAA SIDO KALE BIXINAYA. WAA HANKOOK TECHNOLOGY GROUP CO., LTD.waxay sheeganeysaa dhammaan xuquuqaha sumcadda ganacsi ee Soomaaliya waxayna bilaabi doontaa talaabo sharci ah oo ku habboon qofkasta ama shakhsiyaadka lagu helo inuu isticmaalayo sumadda ganacsiga ama astaan ganacsi kasta oo khiyaano ama jahwareer la mid ah, ama haddii kale ku xadgudbay xuquuqdeeda
OGAYSIISKA GUUD DIGNIINTA GANACSIGA
IBM
OGEYSIISKA HALKAN AYAA SIIYAAN in calaamada ganacsiga ee kor ku xusan (IBM) ay iska leedahay Shirkadda Caalamiga ah ee International Business Machines Corporation, a New York Corporation of New Orchard Road- Armonk, New York, USA isla markaana sumadda ganacsi ee la mid ah loo isticmaalo alaabada soo socota:
Fasalka 09: cilmiga, cilmi baarista, duulista, sahaminta, sawirrada, shaneemo, maqal, muuqaal, miisaan, cabir, calaamad, baaritaan, kormeer, badbaadin iyo qalab wax lagu baro; aaladda iyo aaladda loo adeegsado qabashada, wareejinta, beddelashada, aruurinta, nidaaminta ama xakameynta qeybinta ama isticmaalka korantada; qalab iyo qalab loogu talagalay duubista, gudbinta, dib-u-habeynta ama ka baaraandegga codka, sawirrada ama xogta; warbaahinta la duubay iyo la soo dejisan karo, kumbuyuutar kumbuyuutar, madal madhan ama duubis analoog ah iyo warbaahinta kaydinta; habab loogu talagalay aaladda qadaadiicda ku shaqeeya; diiwaangelinta lacagta, qalabka xisaabinta; kumbuyuutarrada iyo aaladaha kombiyuutarka ee wareega; quusitaannada qubeyska, daboollada noocyo kala duwan ah, dhejisyo dhejis ah oo loogu talagalay noocyo kala duwan, sanka oo sanka loogu talagalay dadka dabbaasha ah iyo kuwa dabbaasha, gacmo gashiyo kala duwan, qalabka neefsashada ee dabaasha; Qalabka dab-bakhtiinta.
Fasalka 35: Xayeysiinta; maamulka ganacsiga; maamulka ganacsiga; howlaha xafiiska.
Fasalka 42: Adeegyada sayniska iyo teknolojiyadda iyo cilmi baarista iyo naqshadeynta laxiriirta; falanqaynta warshadaha, cilmi baarista warshadaha iyo adeegyada naqshadeynta warshadaha; xakamaynta tayada iyo adeegyada xaqiijinta; naqshadeynta iyo horumarinta qalabka kombiyuutarka iyo softiweer.
OGEYSIISKA WAXAA SIDO KALE BIXINAYA inInternational Business Machines Corporation Ganacsiga ay sheegato dhammaan xuquuqaha ay leedahay sumcadda ganacsi ee Soomaaliya waxayna bilaabi doontaa tallaabo sharci ah oo ku habboon qof kasta ama shakhsiyaad lagu helo inuu adeegsanayo sumadda ganacsi ama astaan ganacsi kasta oo kale oo si khiyaano ah ama jahwareer la mid ah, ama haddii kale ku xadgudbay xuquuqdeeda
OGAYSIISKA GUUD DIGNIINTA GANACSIGA
OGEYSIISKA HALKAN AYAA SIIYAY in sumadda ganacsiga ee kor ku xusan (IBM 8-bar logo) ay tahay hanti ay leedahay International Business Machines Corporationa New York Corporation of New Orchard Road- Armonk, New York, USA isla markaana isla sumadda ganacsiga loo adeegsado waxyaabaha soo socda:
Fasalka 09: cilmiga, cilmi baarista, duulista, sahaminta, sawirrada, shaneemo, maqal, muuqaal, miisaan, cabir, calaamad, baaritaan, kormeer, badbaadin iyo qalab wax lagu baro; aaladda iyo aaladda loo adeegsado qabashada, wareejinta, beddelashada, aruurinta, nidaaminta ama xakameynta qeybinta ama isticmaalka korantada; qalab iyo qalab loogu talagalay duubista, gudbinta, dib-u-habeynta ama ka baaraandegga codka, sawirrada ama xogta; warbaahinta la duubay iyo la soo dejisan karo, kumbuyuutar kumbuyuutar, madal madhan ama duubis analoog ah iyo warbaahinta kaydinta; habab loogu talagalay aaladda qadaadiicda ku shaqeeya; diiwaangelinta lacagta, qalabka xisaabinta; kumbuyuutarrada iyo aaladaha kombiyuutarka ee wareega; quusitaannada qubeyska, daboollada noocyo kala duwan ah, dhejisyo dhejis ah oo loogu talagalay noocyo kala duwan, sanka oo sanka loogu talagalay dadka dabbaasha ah iyo kuwa dabbaasha, gacmo gashiyo kala duwan, qalabka neefsashada ee dabaasha; Qalabka dab-bakhtiinta.
Fasalka 35: Xayeysiinta; maamulka ganacsiga; maamulka ganacsiga; howlaha xafiiska.
Fasalka 42: Adeegyada sayniska iyo teknolojiyadda iyo cilmi baarista iyo naqshadeynta laxiriirta; falanqaynta warshadaha, cilmi baarista warshadaha iyo adeegyada naqshadeynta warshadaha; xakamaynta tayada iyo adeegyada xaqiijinta; naqshadeynta iyo horumarinta qalabka kombiyuutarka iyo softiweer.
OGEYSIISKA WAXAA SIDO KALE BIXINAYAinInternational BusinessMachinesCorporationGanacsiga ay sheegato dhammaan xuquuqaha ay leedahay sumcadda ganacsi ee Soomaaliya waxayna bilaabi doontaa tallaabo sharci ah oo ku habboon qof kasta ama shakhsiyaad lagu helo inuu adeegsanayo sumadda ganacsi ama astaan ganacsi kasta oo kale oo si khiyaano ah ama jahwareer la mid ah, ama haddii kale ku xadgudbay xuquuqdeeda
AKHRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 28-MARCH-2020
Madaxweyne Farmaajo oo baaq kasoo saaray caabuqa Coronavirus Madaxweynaha JFS Md.Maxamed C/hi Fa rmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaal iyeed inay mideeyaan cududdooda iyo awoodd ooda, una istaagaan sidii ay dalkooda uga samata-bixin lahaayeen du