Puntland oo xirtay dhammaan Xuduudaha ay la wadaagto Somaliland iyo Dowlad Degaanka Soomaalida

0
Friday March 27, 2020 - 21:42:40 in Wararka by
  • Visits: 251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo xirtay dhammaan Xuduudaha ay la wadaagto Somaliland iyo Dowlad Degaanka Soomaalida

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, ayaa shaacisay In laga bilaabo lixda Makhribnimo ee Sabtida berriya oo ku beegan 28-Maarso 2020, in ay xiran yihiin dhammaan Xuduudaha Puntland la wadaagto Somaliland iyo Dowlad Degaanka Soomaalida DDS. Wasiir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, ayaa shaacisay In laga bilaabo lixda Makhribnimo ee Sabtida berriya oo ku beegan 28-Maarso 2020, in ay xiran yihiin dhammaan Xuduudaha Puntland la wadaagto Somaliland iyo Dowlad Degaanka Soomaalida DDS. Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa sheegay in dhammaan la joojiyay isu-socodka Gaadiidka iyo Rakaabka ka imaanaya dhanka Somaliland iyo Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia, si looga hortago faafidda cudurka Coronavirus. Puntland ayaa sidoo kale sheegtay, in gebi ahaanba la joojiyay Qaadkii imaan jiray Puntland, laga bilaabo Lixda Makhribnim ee Sabtida berriya, islamarkaana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo mudadaas kadib Qaad soo gelisa Puntland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip