Dott Abukar "RW Khayre waa mas'uulka ugu aqoonta yar islamarkaana…"

0
Friday March 27, 2020 - 15:14:04 in Wararka by
  • Visits: 291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dott Abukar "RW Khayre waa mas'uulka ugu aqoonta yar islamarkaana…"

    Dott Abukar "RW Khayre waa mas'uulka ugu aqoonta yarislamarkaana ugu danaysiga badan ee Soomaaliya yeelato…" Inta uu xoogga saari lahaa iyo inta uu dhaqaale fiican u diyaarin lahaa ( 5 milyan ayaan ugu tala galnay sidataa 5 m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dott Abukar "RW Khayre waa mas'uulka ugu aqoonta yarislamarkaana ugu danaysiga badan ee Soomaaliya yeelato…" Inta uu xoogga saari lahaa iyo inta uu dhaqaale fiican u diyaarin lahaa ( 5 milyan ayaan ugu tala galnay sidataa 5 malyan ay ku filantahay koronaha, safarada uu dibadda ku aado ayaa ka badan) sida Cudurka dilaaga ah ee Koronoviruska looga badbaadin lahaa Ummadda Soomaaliyeed, haddii uu Soomaaliya soo caga dhigto, waa in loo baqaa gaar ahaan kuwooda ku nool barakacnimo oo is dul saaran ee nadaafad xumana haysa, kuwooda waayelka ah oo nafaqadarrada la taahaya, caruurta iyo dhalinyarada derbi jiifka ah oo aan hoy lahayn, iyo dhamaan inta saboolnimada ku nool. Waxaa hubaal ah hadii uu cudurka Koronaviruska uu Soomaaliya soo gaaro in si ka darran sidii Shiinaha, Talyaaniga iyo Iiraan loogu baabayo, dad badana ooyi doonaan, maalin kastana qabuuraha la joogo. Intuu Qaranka oo idil haygan geli lahaa, inta uu Dowladaha waaweyn u qayla dhaamin lahaa, wuxuu ummadda ku maaweelina kuna faanaa Deenbaa nagala cafiyay. Wuxuusa garanayn in aan la joogin waqti Ummadda logala hadlo dayn cafis. Waa Khayrl mas'uul aan dan ka lahayn, welwelna ku hayn dibka ku soo socda Shacabka Soomaaliyeed.

Cidurka Koronoviruska waa caadil, cid waji

kama fiiriyo cidna uma eexdo, ciduu dan kaleeyahay ma jirto, xishood iyo ciso midna malaha, ma yaqaano kanaa madax ah iyo kanaa taajir ah, kana culumo ah iyo kana dhaqan ah, kanaa xeryaha qaxootiga ku nool iyo kanaa Madaxtooyada ku nool, dibadda ayaan isku soo daawayna oo madax baan ahay ama taajir baan ahay warkooda ha sheegin, marka waxaa dan inoo wada ah in huhaada iyo faanka uu RW daayo oo aduunka sida uu cudurka u galayo fiiriyo ee hala yimaado istratajiyo iyo qaabka cudurkaan dilaaga ah looga hortegi lahaa asaga oo kaashanayo aqoonyahanada iyo Takhatiirta waddanka joogto.



Dr.Abuukar Nuur Xuseyn.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip