BBC-da oo xireysa Idaacadda Caawa Iyo Caalamka ee laanta Afsoomaaliga.
BBC Africa waxay horayba maalgalin saameyn weyn leh ku sameysatay Telefishinka BBC Somali. Barnaamijkaas telefishinka waxaa la ballaariyay oo 30 daqiiqo laga dhigay sanadkii 2018-kii. Wuxuu na qeyb ka ahaa ballaarin lagu sameynayay barnaamijyada caalamiga ah ee BBC-da.
Taas waxaa sii dheer in BBC Somali ay maalgalin ku sameysay warbaahinta casriga ah ee adeegga internetka si loo kordhiyo dadka kusoo xirmaya website-ka, YouTube, iyo baraha kale ee warbaahineed.
Qorshaha xiriraanka idaacadda Caawa iyo Caalamka waa mid in muddo ahba ay ka baaraandegeysay BBC wixii ka dambeeyay markii la bilaabay telefishinka BBCSOMALI labo sanno kahor. Barnaamijka telefishinka waxaa la baahiyaa saacad kahor xilliga idaacadda sagaalka habeenino.
"Waxaana rajeyneynaa in xiritaanka barnaamijka Caawa iyo Caalmaka uu dhageystayaasha si toos ah ugu weecin doono telefishinkeenna oo laga daawan karo TV-yada maxalliga ah ee aan bah-wadaagta nahay ama bogga internet-ka ee BBC Somali website – isagoo toos ah iyo isagoo dalbasho ahba”, ayay tiri Rachael.
Muxyadiin Axmed Rooble, tifaftiraha cusub ee BBC Somali wuxuu yiri: "Waxaan diiradda saareynaa maalgelinta iyo horumarinta warbaahinta casriga ah ee digitalka si aan u gaarno uguna adeegno dadka nagu xiran, una soo-jeedano kuwo cusub oo kusoo xirma BBC Somali”.
"BBC Somali waxay dedaal ugu jirtaa inay la jaanqaado horumarka dhanka teknoolijiyada iyo warbaahinta ee dunida ka hirgeshay. Sidaas oo ay tahay, dhegeysteyaasheenna raadiyaha waa inoo muhiim oo waan sii wadi doonaa in aan u adeegno”.
BBC Somali waxaa la daah furay 18-kii bishii July ee sanadkii 1957-kii, haddana waxay gaartaa dadka af-soomaaliga ku hadla ee ku nool dunida qeybaheeda kala duwan iyadoo telefishin ah, online ah, iyadoo laga soo raacayo baraha bulshada iyo iyadoo laga dhageysanayo raadiyaha, oo ah meeshii ay ka billaabatay laanta afsoomaaliga.
BBC-da oo xireysa Idaacadda Caawa Iyo Caalamka ee laanta Afsoomaaliga.
Si loo asteeyo barnaamijkii ugu dambeeyay ee Idaacadda Caawa iyo Caalamka ee BBC-da laanteeda Afsoomaaliga, waxaa 27-ka March bixi doona barnaamij khaas ah. Waxyaabaha lagu soo qaadan doono waxaa ka mid ah maqaal dhageysi ah oo dib u eegis loogu sam