Diyaarado joog hoose ku socda oo saaka lagu arkay Deegaano ka tirsan Baay iyo Bakool

0
Thursday October 01, 2015 - 09:58:23 in Wararka by
  • Visits: 759
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarado joog hoose ku socda oo saaka lagu arkay Deegaano ka tirsan Baay iyo Bakool

    Wararka inaga soo gaaraya deegaano ka tirsan Gobolada Baay iyo Bakool ee Koonfurta Saomaloiya, ayaa sheegaya in saaka diyaarado dagaal oo joog hoose ku socda lagu arkay deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka inaga soo gaaraya deegaano ka tirsan Gobolada Baay iyo Bakool ee Koonfurta Saomaloiya, ayaa sheegaya in saaka diyaarado dagaal oo joog hoose ku socda lagu arkay deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Koonfurta Soomaaliya.

Gobolada Baay iyo Bakool ee Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan deeganada Shabaabka ay joogaan ayaa lagu arkayaa diyaaradahan oo joog hoose ku socda, waxaana wararka ay intaasi ku darayaan in dadka shacabka ay dareemayaan cabsi xooggan.

Wariye ku sugan Magaalada Baydhabo, ayaa soo sheegaya in Diyaaradahan ay leeyihiin Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom, ayna ka duuleen Magaalada Baydhabo.

Diyaaradahan ayaa la sheegayaa inay yihiin Helicopter ay leeyihiin ciidamada Amisom, gaar ahaan kuwa Ethiopia ee howlgalka Midowga Afrika Amisom qaybta ka ah.

Diyaaradahan ayaa dhowr waxa ay duqeeyeen deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada Koonfureed ee dalka Somaliya oo Shabaab ay ku sugan yihiin.

Al Shabaab ayaa weli awood muuqata waxa ay ku leeyihiin Degmooyin iyo deegaano ka tirsan Gobolada Koonfureed ee dalka Somaliya.

Xigasho:Dhacdo.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip