Weriye caan ah oo u dhintay xanuunka corona

0
Tuesday March 24, 2020 - 21:47:21 in Wararka by
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weriye caan ah oo u dhintay xanuunka corona

    Zororo Makamba oo da'diisu ay ahayd 30 sano jir ayaa dhimashadiisa waxaa ay meesha ka saartay fikir ay aaminsanaayeen dad badan oo u dhashay dalka Zimbabwe oo ahayd in dadka da'da ah oo keliya ay u dhintaan xanuunka corona. Makamba wuxuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Zororo Makamba oo da'diisu ay ahayd 30 sano jir ayaa dhimashadiisa waxaa ay meesha ka saartay fikir ay aaminsanaayeen dad badan oo u dhashay dalka Zimbabwe oo ahayd in dadka da'da ah oo keliya ay u dhintaan xanuunka corona. Makamba wuxuu ahaa weriye aad looga yaqaano dalkaas, wuxuuna ka dhashay qoys hanti leh. Sabtidii lasoo dhaafay ayay ahayd markii la geeyay isbitaalka, xilligaas oo xaaladiisa caafimmaad ay kasii dartay, waxaana sidoo kale lagu karantiilay isbitaalka guud ee magaalada Harare. Dhanka kale qofkii ugu horeeyay ee uu xanuunka ku dhaco dalka Zimbabwe ayaa lagu soo warramayaa in xaaladiisa caafimmaad ay kasoo reyneyso, haatanna uu ku ku jiro goob lagu karantiilay. Zimbabwe waxaa ka taagan walaac ah in dowladda dalkaas ay xamili weydo wax ka qabashada xanuunka, inkastoo kiisas aan sidaas u badneyn laga soo sheegay. Waa dal ay adag tahay in la helo waxyaabaha asaasiga ah sida xanuun baabi'yaha, cinjirka gacmaha la gashto, afuufka sanka lagu xirto, qalabka lagu xiro dadka uu naqaska ku dhago iyo agabyada caafimaadka ee asaasiga ah. Dowladda waxa aay mamnuucday in dadku ay isugu yimaadaan goobaha dadweynaha, waxaana maalmihii lasoo dhaafay marnaa kaniisadaha, bangiyada iyo suuqyada, dadkuna waxay inta badan ku sugnaayeen guryahooda. Xigasho:BBCSomali


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip