Macallin Ibraahim Suudaani oo ahaa Tababarahii Xulka Kubadda Cagta & Naadigii Horseed oo ku geeryooday Minnesota

0
Sunday March 15, 2020 - 06:15:19 in Wararka by
  • Visits: 2673
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macallin Ibraahim Suudaani oo ahaa Tababarahii Xulka Kubadda Cagta & Naadigii Horseed oo ku geeryooday Minnesota

    Ibrahim Maxamed Xersi (Ibrahim Sudani) ayaa ku geeryaooday dalka Maraykanka qaasatan gobolka Minnesota , Allaha u naxariistee Macalinka ayaa daganaa dalkaan dhawr iyo tobankii sano ee ugu danabysay taariikhda macalin ibraahim ayaan ka soo xiganay Tab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ibrahim Maxamed Xersi (Ibrahim Sudani) ayaa ku geeryaooday dalka Maraykanka qaasatan gobolka Minnesota , Allaha u naxariistee Macalinka ayaa daganaa dalkaan dhawr iyo tobankii sano ee ugu danabysay taariikhda macalin ibraahim ayaan ka soo xiganay Tababaraha xulka Qaranka kubadda kolayga Soomaaliya C/qadir Xaaji daahir (Shiikha) oo noo sheegay in uu qoray Maxmed busuri. Alaaha u naxariistee Macalin Suudaani wuxuu ku dhashay magaalda karan ee dalka Eritrea sannadkii 1944. wuxuuna ku soo barbaaray magaalada Asmara halkaasi ee uu waxbarashadiisa ku soo qaatay.Ibrahim waxaa la dhalatay 8 Wiil iyo 2 gabdhood.
       
Ibraahim waxaa uu aad u jeclaa yaraantiisii ciyaarta kubadda cagta, waxaana sannadihii 1959kii ilaa 1968dii dhexdiisii uu ibraahim ka cayaaray naadiyo heerka 1aad iyo heerka 2aad ilaa heer qaran oo ka dhisnaa dalalka Eritrea,Ethiopia, iyo Sudan.

               Bishii May sannadkii 1969kii ayuu Ibrahim Sudani yimid magaalda Muqdisho ee dalka Soomaaliya, waxaana uu u ciyaaray kooxda Xooga ,Ciyaartii ugu horeysay ee uu Ibrahim u safto kooxda Xooga waxey ahayd ciyaartii dhex martay kooxda Xooga iyo koox ka socotay waddanka Sudan ee la oran jiray Buri.

                 
Sannakii 1969kii markii uu curtay Kacaanka ayaa cayaartooydii u ciyaari jirtay kooxda Xooga iyo kuwii Booliska leysku daray,waxaana loo qeybiyey kooxaha 21October iyo Independence, iyadoo lagu beddelay kooxaha Xooga iyo Booliska. In muddo ah kadibna kooxaha 21 October iyo Independence waxaa laga beddelay magaca iyadoo loo bixiyey Dirir ee uu tababare u ahaa Ibrahim Waaberi iyo Bakaal ee uu ka tirsanaa IbrahimSudani tababarena u noqday Cabdixamiid.
                   
      Isla sannadkii 1969 ayaa Ibrahim Sudani loo magacaabay xulka kubadda cagta Soomaaliyedd. Xulkaasi waxaa tababare u ahaa tababare Talyaani ah oo la oran jiray Sergio Del Pinto.

Aas-aaskii Kooxda Horseed


Sannadkii 1970kii ayaa la aas’aasay kooxda Horseed oo ka koobneyd cayaartooydii kooxda Bakaal iyo kuwa Dirir. Tababareyashii ugu horeeyey ee kooxdan waxey ahayeen Cabdixamiid iyo Ibraahim Waaberi. Haddaba cayaartooydii lagu aas-aasay kooxda waxaa ka mid ahaa Ibrahim Sudani, Saciid Ducaale, Ismaciil Garile(AUN), Skoot (Scott) , Jeylaani Khaliif, Coonka, Xuuti, kabey(AUN), Xassan Baani, Cusmaney, Caamir, Cabdallini, Axmed Yare, Saleymaan Qambi, Saciid Ismaciil, Killer, Khalifani, Saciid Sonkar, Cabdi Kuus iyo qaar kale.

Guulahii Kooxda Horseed Intuu Cayaartooyga ahaa

-4 horyaal ah: Sannadihii 1970-1971, 1971- 72, 72,73 iyo 1973-74
-1 koob oo jeneral Daa’uud ah 1970-71.
- 3 jeer oo isku xigta koobkii ciidamada ee Bariga iyo Bartamaha Africa sannadihii 1970, 1971 iyo 1972kii . Tartamadaasi oo lagu kala qabtay dalalka Tanzania, Zambia iyo Soomaaliya.
Ibrahim wuxuu kooxda Horseed iyo xulka qarankaba ka tirsanaa ilaa iyo sannadkii1974ka. Bishii maarso 1974tii ayuu Ibrahim cayaaraha ka fariistay.

Waddamadii uu tababarka ku soo qaatay

-1974 Jarmalka Bari, waxaana uu noqday tababarihii ugu wanaagsana, iyada oo halkaasi ay joogeen 60 macallimiin ah.
-1977 Tunisia, tababar loo furay macallimiinta iyo garsooreyaasha ciyaaraha kubadda cagta,. Macallin Ibraahim waxaa uu ku soo baxay kaalinta 2aad macallimiintii joogtay halkaasi.
-1978 Jarmalka Galbeed, waxaana la guddoonsiiyay shahaado heer caalami ah.
-1992 Masar.Tababar loogu magac daray ALIT Course ee loogu talagalay tababareyaasha xulalka qaranka ee waddamada Africa.

Tababaraha kooxda Horseed:

Dhamaadkii sannadkii 1975 ayaa Ibraahim loo magacaabay tababaraha kooxda Horseed.
Guulihii uu soo hooyey Ibrahim intii uu tababare u ahaa kooxda Horseed waxaa ka mid ahaa:
-1975/1976, kooxda waxaa ay ka gashay horyaalka kaalinta 3aad, Jeneraal Daa’uudna kaalinta 1aad.
-1976 Kaalinta 1aad, Koobkii Militeriga oo ay ka soo qeybgaleen Kooxo ka kala socday Aljeria iyo Yemen iyo Horseed iyo Munishiibiyo(Municipio) oo ka socday Soomaaliya
-Afar jeer oo isku xigta horyaalka Soomaaliya sannadihii: 1976/1977, 1977/1978, 1978/1979 iyo 1979/1980.
-1977 , kaalinta 2aad ciyaarihii East and Central Africa iyadoo ciyaartii finalka si dirqi ah kooxda Gormahia ay 2-1 kaga badisay.
-1978 waxey soo gaareen semifinalka East and Central Africa Cup oo lagu qabtay Ugandha, Iyo 1979 oo lagu qabtay Soomaaliya.

Tababaraha Xulka Qaranka

                 1977-1978dii ayaa Ibraahim loo magacaabay tababaraha xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed , 2 sano oo uu xilkaasi hayayna waxaa ay la cayaareen xulka Kuwait ee ahaa horyaalka Khaliijka iyadoo ay tababreyaal u ahayeen Roberto Carlos iyo Zigalo oo u dhashay dalka Brasile. Ciyaartan oo ka dhacday dalka Kuwait waxey ku dhamaatay 1-1 barbardhac iyadoo goolkii ay dhalisay xulka Kuwait uu ahaa rigoore , halka goolka Soomaaliya uu u saxiixay Killer.

Dalka Qadar

                     1979-1988, Macallin Ibraahim waxaa uu u duulay Qadar, wuxuuna tababare u noqday dhowr kooxood oo ay ka mid ahaayeen: kooxda Al-Nahda oo ahayd koox heerka 2aad(Seria B) ah isagoo gaarsiiyay heerka 1aad(Seria A). iyo kooxda Al-Tadamun oo ahayd koox heerka 2aad ah (Seria B) ah. Muddadii uu Ibrahim la joogay kooxda mar waxey yimadeen final laba jeerna Semi-final.
1988 ayuu Ibrahim ku soo laabtay Soomaaliya oo uu sided sano ka maqnaa,1988/1990 horyaalkii waxaa ay ka galeen kaalinta 3aad, waxaana markaasi Horseed u cayaararayay dhallinyaro aad u yaryar oo macallinku uu isagu soo xushay.

Dagaalkii Sokeeye Ka Dib

             1993kii,ayuu Macaalim Ibraahim u qaxay waddanka Saudi Arabia Muddadii uu halkaasi joogayna wuxuu tababare u ahaa kooxda Al-Lith oo ku guuleystay horyaalka, marna waxey galeen kaalinta 2aad iyo kaalinta 3aad. Sannadkii 2002kii ayuu Ibraahim ka soo tagay waddanka Sacuudiga isagoo soo galay dalka Mareykanka ee uu hadder ku geeryooday.

W/Q Maxmaed Busuri


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip