Chelsea Oo Haddaba Xidhiidh La Samaysay Goolhayaha Ay Doonayaan In Uu Badalo Kepa Arrizabalaga.
Kooxda Chelsea ayaa haddaba xidhiidh la samaysay goolhayaha ay doonayaan in uu badal ugu noqdo Kepa Arrizabalaga kaas oo lumiyay saamayntii uu ku lahaa kooxda Blues.
Chelsea ayaa sanadkii 2018 kii waxay lacagtii abid ugu qaalisanayd ee goolhaye lagu iibsaday ka soo bixisay Kepa Arrizabalaga oo markaas ka tirsanaa kooxda Athletic Bilbao waxaana loo arkayay badalka waqtiga dheer ee Courtois oo markaas isna Real Madrid u wareegay.
Laakiin Kepa Arrizabalaga ayaa xaalado badan oo kala duwan ku soo qaatay Chelsea labadii xili ciyaareed ee uu Premier league joogay waxayna taasi keentay in uu lumiyay kalsoonidii uu ka haystay macalinkiisa Frank Lampard.
Kulamadii bishii ugu danbaysay ay Chelsea soo ciyaartay ayuu Lampard kaydka dhigay goolhaye Kepa waxaana hore u soo baxay in uu ciyaaray kulankiisii ugu danbeeyay haddii ayna iman duruuf kale oo uu Lampard go'aankiisa ku badali karo.
Haddaba wariyaha Talyaaniga ah ee Nico Schira ayaa shaaciyay in maamulka kooxda Chelsea ay haddaba xidhiidh la sameeyeen goolhayaha kooxda AC Milan ee Gianluigi Donnarumma si uu badal ugu noqdo Kepa.
Schira ayaa shaaciyay in kooxda AC Milan ay tixgalinayso in ay goolhayahooda kowaad ee Donnarumma iibiyaan suuqa xagaaga ee dhamaadka xili ciyaareedkan isla markaana ay maamulka Blues xidhiidh la sameeyeen wakiilka Donnarumma ee Mino Raiola.
Waxa kale oo la ogaaday in Chelsea ay Donnarumma diyaar u layihiin mushaar 8 milyan euros ah sanadkiiba isla markaana ay doonayaan in uu badalo goolhayaha suuqa abid ugu qaalisan ee Kepa kaas oo u muuqda in uu Blues ka bixi doono.
Chelsea ayaan qiimo jaban ku heli karin goolhaye Donnarumma waxayna sidoo kale ku qasbanaan doonaan in ay lacag badan oo dilaal ah jeebka ugu shubaan wakiilkiisa dhibta badan ee Mino Raiola.
Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa haddii xogtan la wada rumaysto haddaba diyaarsanaysa qaabkii ay ku heli lahayd goolhayaha tayada sare leh ee Donnarumma kaas oo marar badan lala xidhiidhinayay kooxaha Juventus, PSG iyo Real Madrid. .
Chelsea Oo Haddaba Xidhiidh La Samaysay Goolhayaha Ay Doonayaan In Uu Badalo Kepa Arrizabalaga.
Kooxda Chelsea ayaa haddaba xidhiidh la samaysay goolhayaha ay doonayaan in uu badal ugu noqdo Kepa Arrizabalaga kaas oo lumiyay saamayntii uu ku lahaa kooxda Blues. Chelsea ayaa sanadkii 2018 kii waxay lacagtii abid ugu qaalisanayd ee goolhaye la