Cida Masuulka Ka Ah Musiibada Dhaawacyada Ousmane Dembele Oo La Ogaaday Iyo Arin Qariib Ah Oo Mustaqbalkiisa Saamayn Ku Yeelan Karta.

0
Tuesday March 03, 2020 - 21:11:51 in Wararka by
  • Visits: 2157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cida Masuulka Ka Ah Musiibada Dhaawacyada Ousmane Dembele Oo La Ogaaday Iyo Arin Qariib Ah Oo Mustaqbalkiisa Saamayn Ku Yeelan Karta.

    Xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Barcelona ee Ousmane Dembélé ayaa qaadanaya waqtigiisii ugu adkaa waayihiisa ciyaareed kadib markii uu dhawaan maray qaliin sabab u noqday in uu muddo dheer garoomada ka maqnaan doono. Ousmane D

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Barcelona ee Ousmane Dembélé ayaa qaadanaya waqtigiisii ugu adkaa waayihiisa ciyaareed kadib markii uu dhawaan maray qaliin sabab u noqday in uu muddo dheer garoomada ka maqnaan doono. Ousmane Dembélé ayaa tan iyo markii uu Barcelona ku soo biiray sanadkii 2017 kii waxa uu noqday mid dhexda ugu jira musiibooyin dhaawacyo ah kuwaas oo si buuxda u ragaadiyay horumarkii uu ku socday. Haddaba wargayska caanka ah ee dalka France ka soo baxa ee L'Equipe ayaa warbixin xaasaasi ah ka diyaariyay sababta dhabta ah ee keentay dhaawacyada tirada badan ee soo gaadhayay Ousmane Dembélé. Wargayska L'Equipe ayaa kooxda Barcelona ku eedeeyay in ay masuul ka yihiin dhaawacyada Dembele waxayna sharaxaad dheer ka bixiyeen sida ay xaaladu u dhacday iyo xogta la helay. Ugu horayn waxaa warbixintan lagu shaaciyay in tan iyo xili ciyaareedkii la soo dhaafay uu Ousmane Dembélé badalay qaab nololeedkiisii shaqsiga ahaa kadib markii uu eedayn badan la kulmay waxaana nooca cuntada iyo waqtiga uu seexanayo saamayn ku yeeshay adeerkii ahna saaxiibkisa ugu fiican ee Moustapha Diatta kaas oo uu guri kula nool yahay. Waxa kale oo warkan lagu sheegay in wakiilka Dembele ee Moussa Sissoko oo ka ciyaara kooxda Tottenham uu isna si joogto ah u yimaado magaalada Barcelona si uu Dembele uga caawiyo in uu badalo waxyaabihii uu xili ciyaareedkii la soo dhaafay eedaynta badan ku mutaystay. Haddaba siday Barcelona masuul uga noqotay dhaawacyada Demeble? Wargayska L'Equipe ayaa xog ka helay goobta caafimaad ee Aspetar Clinic oo ku taal magaalada Doha ee dalka Qatar waxaana xogtan lagu qiimeeyay sababta nooca tababarka Barcelona uu u yahay halista ugu wayn ee dhaawacyada Dembele. Sida warbixintan lagu shaaciyay xogta GPS-ka ee tababarka Dembele looga ururiyay tababarka kooxda Barcelona yaaa lagu ogaaday in boqolkiiba 20% uu Dembele orod ku qaato marka uu ku jiro tababarka Barcelona halka boqolkiiba 90% uu orod ku qaato kulamada taas oo lagu sheegay in ay tahay heer ka badan xadigii orodka ee uu awooda u lahaa. Waxaana sababtan lagu saleeyay in Dembele uu noqday mid u nugul in uu dhaawac soo gaadho maadaama oo heerka looga baahan yahay orodka tababarka kooxdiisa iyo kulamadu ay noqdeen kuwo aad u kala fog. Waxa kale oo uu wargayska L'Equipe shaaciyay in nooca orodka Dembele iyo kooxda Barcelona ayna ahayn kuwo isku haboon waxaana arintan ka markhaati furay Michel Troin oo Dembele kula soo shaqeeyay kooxdiisii hore ee Rennes. Michel Troin oo sababta warbixintan sharaxaya ayaa yidhi: "Waxaa jira dhaqanka kooxo aan la kulmayn baahiyaha ciyaartoyga ay shaqaalaysiiyeen". Waxa kale oo warbixintan lagu soo qaatay qaabka uu Frenkie De Jong u shaqaalaysiistay tababare khaas ah markii uu ka soo wareegay Ajax si uu uga caawiyo in uu la tacaalo shaqada dheeraadka ah ee uu Barcelona ugu yimid. Arinta xiisaha badan ee warbixintan lagu sheegay ayaa ah in maamulka kooxda Barcelona ay dhexdooda qirteen in ay kooxdoodu masuul ka tahay dhaawacyada Dembele balse ayna doonayn in ay dad waynaha hortiisa ku qirtaan. Dembele ayaan hore ugu soo dhaawacmin kooxihisii hore ee Rennes iyo Dortmund wuxuuna Michel Torin oo hore Dembele ula soo shaqeeyay si adag u sheegay: "Ousmane masuul kama aha xaaladiisa. Waxa uu dhibane u yahay hibo taxadar leh. Rennes waxaanu cadaadis badan ku haysanay tababarka iyo kulamada, kaliya isaga waanaan dilin uun". Warbixintan ayaa shaki xoogan galinaysa mustaqbalka Ousmane Dembele ee Barcelona iyada oo labada dhinac uu mid kastaaba niyadjab gaar ah qabo. Barca waxay ka niyadjabsan tahay in xidiga labaad ee taariikhda kooxdeeda ugu qaalisani aanu wax badan soo celin halka Dembele uu dareemi karo in horumarkiisii uu Camp Nou dilayo. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip