Saadaasha Charlie Nicholas Ee Kulamada 28-Aad Ee Premier League Iyo Kooxo Waa Wayn Oo Uu Guul Uga Dhaartay.

0
Friday February 28, 2020 - 21:58:15 in Wararka by
  • Visits: 1605
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saadaasha Charlie Nicholas Ee Kulamada 28-Aad Ee Premier League Iyo Kooxo Waa Wayn Oo Uu Guul Uga Dhaartay.

    Kulamada 28 aad ee horyaalka Premier league ayaa laysku diyaarinayaa waxaana la galay qaybihii ugu xiisaha badnaa ee horyaalka Premier League iyada oo waxyaabo badan loo tartamayo. Liverpool ayaa isku dayi doonta in ay sii joogtayso rekoodhka guulda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulamada 28 aad ee horyaalka Premier league ayaa laysku diyaarinayaa waxaana la galay qaybihii ugu xiisaha badnaa ee horyaalka Premier League iyada oo waxyaabo badan loo tartamayo. Liverpool ayaa isku dayi doonta in ay sii joogtayso rekoodhka guuldaro la'aanta ee ay xili ciyaareedkan ku soo jirtay marka ay booqdaan kooxda Watford halka kooxo badani ay dagaal ugu jiraan sidii ay kaalmaha sare ee Champions League ugu soo bixi lahaayeen. Khabiirka Sky Sports ee Charlie Nicholas ayaa bixiyay saadaashiisa todobaad laha ah ee horyaalka Premier league isaga oo soo bandhigay kooxaha uu filayo in ay guulaysan doonaan kulamada 28 aad. Charlie Nicholas ayaa guul 2-1 ah u saadaaliyay kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool taas oo haddii ay dhab noqoto ay ku samayn doonaan rekoodho aan abid laga diwaan galin kubbada cagta heerka kowaad ee England. Laakiin Charlie Nicholas ayaa barbaro u saadaaliyay kooxda Chelsea ee wali la xanuunsanaysa ceebtii Bayern Munich wuxuuna aaminsan yahay in ay markale Bournemouth dib u dhac kala kulmi doonaan. Charlie Nicholas ayaa sidoo kale barbaro u saadaaliyay Manchester United oo kulan adag marti ugu noqon doonta kooxda Carlo Ancelotti ee Everton. Dhinaca kale Charlie Nicholas ayaa Jose Mourinho iyo kooxdiisa Tottenham u saadaaliyay in ay barbaro la gali doonaan kooxda dhibta badan ee Wolves oo waliba si layaableh ugu soo gudubtay wareega 16ka Europa League. Saadaasha Charlie Nicholas ee kulamada 28 aad ee Premier league Norwich City 1-3 Leicester City Brighton 1-1 Crystal Palace Bournemouth 2-2 Chelsea Newcastle United 2-1 Burnley West Ham United 2-1 Southampton Watford 1-2 Liverpool Everton 1-1 Man United Tottenham 1-1 Wolves Kulamadii ay Arsenal iyo Manchester City ciyaari lahaayeen ayaa dib loo dhigay si la mid ah kulankii ay wada ciyaari lahaayeen kooxaha Aton Villa iyo Sheffield United. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip