Madaxweynaha: ''Waxan beesha caalamka uga mahad celinayaa sida ay uga go'an tahay inay taageero wax ku ool ah u fidiyaan Soomaaliya''.
Madaxweynaha:
‘’Waxan beesha caalamka uga mahad celinayaa sida ay uga go’an tahay
inay taageero wax ku ool ah u fidiyaan Soomaaliya’’.
New
York, 28 September, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee
Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaaney dalalka beesha
caalamka ee ka qeybgaley shirkii gaarka ahaa arrimaha Soomaaliya looga
hadlayey ee ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.
Madaxweynaha aya sheegay in Soomaaliya ay dadaal badan u gashey sidii
waddanka iyo shacabka loogu abuuri lahaa mustaqbal wanaagsan oo ku
dhisan dimoqraadiyad, nabad ku wada noolaansho Soomaalida dhexdeeda iyo
caalamka intiisa kale, iyo horumar sidaa darteedna ay Soomaalida u
arkaan taageerada caalamka mid muhiim u ah ka guul gaarista hadafkaasi.
Shirkan
gaarka ah ee heerka sare ee wada shir guddoominayeen Madaxweynaha
Soomaaliya, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Madaxa Guddiga Sare ee
Midowga Afrika, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta iyo Xoghayaha Guud
ee Ururka Iskaashiga Waddamada Islaamka, ayaa waxaa sidoo kale ka soo
qeybgaley inta badan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay iyo
ururrada caalamiga ah.
Madaxda
iyo wakiilada kale ee shirkan ka hadashey ayaa waxaa ka mid ahaa
Ra’iisul Wasaaraha Britain, Ra’iisul Wasaaraha Turkiga, Ra’iisul
Wasaaraha Ethiopia, Madaxweynayaasha Uganda, Kenya,Madaxweyne ku
Xigeenka Burundi, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga, Wasiirka
Arrimaha Dibedda ee Djibouti, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Norway, xubno
ka socdey Mareykanka, Denmark, Finland, Australia, Baanka Adduunka iyo
kuwo kale.
Madaxweynaha: ''Waxan beesha caalamka uga mahad celinayaa sida ay uga go'an tahay inay taageero wax ku ool ah u fidiyaan Soomaaliya''.
Madaxweynaha: ''Waxan beesha caalamka uga mahad celinayaa sida ay uga go'an tahay inay taageero wax ku ool ah u fidiyaan Soomaaliya''.