Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe oo dib ugu laabtay Jowhar

0
Monday February 17, 2020 - 19:41:55 in Wararka by
  • Visits: 232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe oo dib ugu laabtay Jowhar

    Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen ayaa dib ugu soo laabtay maanta xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle kadib markii uu safar ugaga maqnaa toddobaadyadii la soo dhaafay. Cali Cabdullaahi Xuseen Madaxweyne ku xigeenka Hirsha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen ayaa dib ugu soo laabtay maanta xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle kadib markii uu safar ugaga maqnaa toddobaadyadii la soo dhaafay. Cali Cabdullaahi Xuseen Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay mas'uuliyiin ay ka mid ahayd Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Hirshabelle Marwo Canab Axmed Ciise,wasiiro,xildhibaano iyo mas'uuliyiin kale. Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa uu markii uu soo degeyba booqday Dugsiga tababarka ciidamada ee ku yaal duleedka magaalada Jowhar waxana uu warbixin ugaga dhagaystay saraakiil ka tirsan ciidamada booliska soomaaliyeed kuwaasoo tababaraya ciidamadda cusub ee ku soo biiraya booliska hirshabelle. Madaxweyne ku xigeenka ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidamada tababarka uu u socdo waxana qudbad uu u jeediyay ciidamada tababarka uu u socdo isagoo qirey in ay heleen macalimiin wanaagsan. Marwo Canab Axmed Ciise guddoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaanka Hirshabelle ayaa uga warbixisay madaxweyne ku xigeenka xaalada guud ee dowlad goboleedka Hirshabelle gaar ahaan xarunta dowlad goboleedka ee Jowhar. Ugu dambeyntii Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka mahadceliyay sidii loogu soo dhoweeyay magaalada Jowhar, waxana uu xusay in safar dalka gudihiisa iyo dibadiisaba uu ugaga maqnaa todobaadyadii la soo dhaafay . "Fatahaadihii gobolka Hiiraan ayaan ka qeybqaatay kadibna waxaan u baxay safar dibadda ah,markii aan soo laabtayna waxaan howlo ugaga maqnaa degmooyinka Balcad iyo Warshiiq.sidoo kale waxaan kula kulmay Muqdisho ra'iisul wasaaraha dalka iyo Madaxweynaha dalkaba,"ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle. Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ayaa waxaa uu xusay in dowlada Hirshabelle la dardargelin doono howlaheeda isagoo ugu baaqay shacabka inay isku xirnaanta ay muujiyaan ay sii xoojiyaan. Soo dhoweynta madaxweyne ku xigeenka hirshabelle


 
 
 
 
 
 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip