Xildhibaano kasoo jeeda Puntland oo sheegay in dowladda federalku ogolaatay bixinta shahaadada ardayda Puntland

0
Monday February 17, 2020 - 18:39:12 in Wararka by
  • Visits: 226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano kasoo jeeda Puntland oo sheegay in dowladda federalku ogolaatay bixinta shahaadada ardayda Puntland

    Xildhibaanno katirsan barlamaanka Soomaaliya oo kasoo jeeda Puntland oo goor dhowayd shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa ardayda Puntland ugu bishaareeyay inay helidoonaan shahaadooyinkooda. Xildhibaanada ayaa sheegay in arrintaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanno katirsan barlamaanka Soomaaliya oo kasoo jeeda Puntland oo goor dhowayd shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa ardayda Puntland ugu bishaareeyay inay helidoonaan shahaadooyinkooda. Xildhibaanada ayaa sheegay in arrintaas ay kasoo go'day madaxda dowladda federalka Soomaaliya, kuwaas oo amray in si degdeg a lagu dhameeyo tabashada ardayda Puntland iyo in labada wasaaraddooda ay ka wada hadlaan oo ay heshiis la isku waafaqsanyahay ka gaadhaan qaabka uu ahaandoono imtixaanaadka soo socda. Xildhibaanadda oo hadlay oo qeyb ka ahaa guddi isku xilsaaray arrintaan waxay tilmaameen in madaxweynaha iyo raysal wasaaraaha ay dareen isku mid ah ka qabeen arrintaan ayna garowshiyo ka bixiyeen, iyagoo sheegay in aysan raalli ka ahayn in iskutuur tuur la galiyo mustaqbalka ardayda reer Puntland. Waxay wakiilladu sheegeen in ardaydii sanad dugsiyeedkii hore ay dhammaantood heleen shahaadooyinkoodii kuwa soo socdana ay ay si lamid ah helidoonaan islamarkaana hadda kadib xal laga gaaridoono inaanu khilaaf dambe ka imaan arrintaas.
thumbnail
thumbnail
thumbnail

thumbnail


xigasho:-hiiraan.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip