Madaxweyne Trump oo u hanjabay dalalka la macaamila shirkadda Huawei

0
Monday February 17, 2020 - 18:30:52 in Wararka by
  • Visits: 191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Trump oo u hanjabay dalalka la macaamila shirkadda Huawei

    Safiirka Mareykanka ee Germany ayaa Axaddii sheegay in madaxweyne Donald Trump uu ku hanjabay inuu joojin doono sirdoonka uu la wadaago dalalka la macaamila shirkadda Shiineeska ee Huawei. Washington ayaa dalalka xulufada ah la ah ku cadaadineysa in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Mareykanka ee Germany ayaa Axaddii sheegay in madaxweyne Donald Trump uu ku hanjabay inuu joojin doono sirdoonka uu la wadaago dalalka la macaamila shirkadda Shiineeska ee Huawei. Washington ayaa dalalka xulufada ah la ah ku cadaadineysa inay mamnuucaan adeegsiga barnaamijka 5G ee Huawei, oo ah mid ka mid ah shirkadaha teknoolajiyadda ee ugu weyn caalamka, sababo la xiriira halis amni. Safiir Richard Grenell ayaa yiri "Trump wuxuu igu amray inaan caddeeyo in dalkii doortaa inuu isticmaalo adeegga aan la aamini karin ee 5G ee Huawei, uu halis gelinayo awoodda aan kula wadaagi karno akhbaaraadka sirdoon ee heerka sare." Grenell ayaa barta twitter-ka ku sheegay in Trump uu Axaddii kasoo wacay diyaaradda Air Force One ee madaxweynaha, si usoo gaarsiiyo farriintan. Dalal badan oo Europe ah islamarkaana xulufo la ah Mareykanka, sida Britain iyo France, ayaa sheegay inaysan ka mamnuuci dooni Huawei inay u dhisto shabakadaha 5G balse ay kusoo rogi doonaan xannibaado. Jawaabta Mareykanka ee shaacsan waxay ahayd mid xaddidan, hase yeeshee Trump ayaa lagu warramay inuu aad ugu carreysan yahay London. Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa Shirka Amniga Munich u sheegay Sabtidii in Huawei ay tahay "faraska dheereeya ee sirdoonka Shiinaha." Shirkadda Huawei waxay si kulul u beenisaa eedeymaha Mareykanka, islamarkaana Beijing ayaa sida loola dhaqmayo ku macneysay "awood sheegasho dhaqaale."

Xigasho:-AFP


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip