Dhuusamareeb oo qarka u saaran dagaal ka qarxa

0
Sunday February 16, 2020 - 22:28:52 in Wararka by
  • Visits: 209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhuusamareeb oo qarka u saaran dagaal ka qarxa

    Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in laga cabsi qabo dagaal ka qarxa magaalada, kaasoo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda ee taageeraya Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda iyo Ahlu Sunada Gobola

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in laga cabsi qabo dagaal ka qarxa magaalada, kaasoo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda ee taageeraya Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda iyo Ahlu Sunada Gobolada Dhexe. Walaacan ayaa soo baxay, ka dib kulan albaabada u xirnaa oo Madaxweynuhu uu Magaalada Dhuusamareeb kula qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Qaybta 21aad. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Dhacdo.com u sheegay in Madaxweyne Qoorqoor uu Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka faray inay u diyaargarooban dagaal ka dhan ah Ahlu Sunada Galmudug. Madaxweynaha ayaa tani ku sababeeyay, iyadoo ay Ahlu Sunna diiday la kulankiisa, si ay uga wada hadlaan khilaafka labada dhinac, haddiiba xal laga gaari lahaa labada maamul ee magaalada ka jira. Madaxweynuhu waxaa kale oo Saraakiishu uu u sheegay inaanay suurtagal ahayn in laba maamul uu ka jiro Xarunta Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb, dagaalkuna uu yahay mid uu ka fursan waayay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale qoraal maldahnaa oo bartiisa Facebook uu soo sheegay waxaa uu ku sheegay inuu Ciidamada Militariga faray inay dardargeliyan hawlaha ay u hayaan Galmudug. "Waxaan ciidamada kula dardaarmay inay dardargeliyan hawlaha ay u hayaan Dowlad Goboleedka Galmudug iyo guud ahaan dalka." Ayuu yiri Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor)



Dhanka kale Hoggaanka Ahlu Sunna ayuu xilligan shir deg deh ah uga socdaa Xarunta Inji ee Magaalada Dhuusamareeb, taasoo looga arrinsanayo amarka uu Qoorqoor duldhigay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxda Ahlu Sunna ay kulanka ku dejiyeen qidad ciidan, oo ay tahay inay kaga hortaggaan Ciidamada Dowladda, waaba haddii ay fulinayan amarka Qoorqoor.

Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka reer Dhuusamareeb iyo dadka xog ogaalka u ah arrimahan ayaa durbaba waxay Magaalada Dhuusamareeb ka bilaabeen dadaalo, uu yoolkoodu yahay in lagu baajiyo dagaal uu dhiig ku daato.

Odayaasha Dhaqanka ayaa horey uga digay dagaal ka dhaca Magaalada Dhuusamareeb, taasi bedelkeedana ay dadka deegaanka muhiim u tahay inay labada dhinac xal ka gaaraan khilaafka u dhaxeeya.

Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa maalmo ka hor sheegay inaanay gacmaha ka laaban doonin habdhaqanka Ciidamada Dowladda, ka dib markii dad ku sii jeeday Magaalada Dhuusamareeb ay is hortaag ku sameeyeen.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip