RW Itoobiya oo la sheegay inuu ku cadaadinayo madaxweyne Farmaajo inuu tago magaalada Hargeysa.
Muqdisho:-Guddoomiyaha golaha Guurtida Soomaaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa uu ka hadlay safar ay aad warbaahintu u hadal hayso maanta, kaas oo ah in magaalada Hargeysa ee xarunta u ah Soomaaliland uu tagi doono madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in aysan u ogolaan doonin madaxweyne Farmaajo in uu ka soo dego Somaliland isaga oo madaxweyne ka ah Soomaaliya, balse ay soo dhaweynayaan haddii uu imaanayo isaga oo ah muwaadin Soomaaliyeed.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed uu dabada ka riixayo imaatinka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee safarkiisa uu ku tagayo magaalada Hargeysa ee caasimada Soomaaliland.
Guddoomiye Saleebaan ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in Raysal wasaaraha dalka Itoobiya ay ahayd in uu aqoonsado madax banaanida Soomaaliland, halka uu kaga cadaadinayo madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi in ay Hargeysa ka soo wada degaan isaga iyo madaxweynaha Somalia oo wada socda.
RW Itoobiya oo la sheegay inuu ku cadaadinayo madaxweyne Farmaajo inuu tago magaalada Hargeysa.
Muqdisho:-Guddoomiyaha golaha Guurtida Soomaaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa uu ka hadlay safar ay aad warbaahintu u hadal hayso maanta, kaas oo ah in magaalada Hargeysa ee xarunta u ah Soomaaliland uu tagi doono madaxweynaha Soomaaliya Max