Gudoomiyaha G/Banaadir oo amray in suuqyada Caasimada laga Xareeyo Xoolo buux dhaafiyay

0
Sunday February 16, 2020 - 17:26:17 in Wararka by
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha G/Banaadir oo amray in suuqyada Caasimada laga Xareeyo Xoolo buux dhaafiyay

    Ciidamada Ilaalinta deegaanka ee gobolka Banaadir ayaa maanta waxay suuqyada waaweyn ee ku yaalla magaalada Muqdisho waxay ka bilaabeen inay magaalada ka xareeyaan xoolaha dhex socda suuqdayada magaalada Muqdisho. Amarkan lagu xareynayay xoolaha mag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Ilaalinta deegaanka ee gobolka Banaadir ayaa maanta waxay suuqyada waaweyn ee ku yaalla magaalada Muqdisho waxay ka bilaabeen inay magaalada ka xareeyaan xoolaha dhex socda suuqdayada magaalada Muqdisho. Amarkan lagu xareynayay xoolaha magaalada dhex socda ayaa wuxuu ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamad Maxamud Cumar Filish, taas oo uu sheegay inay qayb ka tahay hawlaha bilic soo celinta Caasimada .

Ciidamada ilaalinta Deegaanka ayaa maanta waxay sheegeen inay hayaan qiyaastii 40 lo’ ah, kuwaas oo ay ka soo xereeyeen suuqyada degmooyinka gobolka Banaadir oo ay tageen, isla markaasina waxay sheegeen inay ku xereeyeen xarunta Baadi-Qabadka Gobolka oo dhawaan dib u habayn lagu sameeyay.

Dhanka kale Xoolaha faraha badan ee dhex socda laamiyada waaweyn iyo suuqyada magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxa ay dhibaato ku hayaan nadaafadda iyo bilicda deegaanka, taas oo marar badan cabasho ka keeneen ganacsatada suuqyada magaalada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip