Dowladda Soomaliya oo war ka soo saartay warbixintii Amnesty International ee xoriyadda hadalka. By

0
Thursday February 13, 2020 - 22:44:15 in Wararka by
  • Visits: 225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaliya oo war ka soo saartay warbixintii Amnesty International ee xoriyadda hadalka. By

    Muqdisho:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay oo nuqul kamid ahna uu soo gaaray Wakaaladda wararaka (SONNA) si kulul uga hadashey warbixin ay soo saartay Hay'adda Amnesty International oo ku saabsanaa in ay jiraan xadguduby

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay oo nuqul kamid ahna uu soo gaaray Wakaaladda wararaka (SONNA) si kulul uga hadashey warbixin ay soo saartay Hay'adda Amnesty International oo ku saabsanaa in ay jiraan xadgudubyo ka dhan ah xoriyadda hadalka ee Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga warqabto mas’uuliyadeheeda ee ku aadan xuquuqda uu leeyahay qofka muwaadinka ah,ayna u taagantahay in la ilaaliyo xoriyadda hadalka iyo midda shaqsiyadeed.

"Waxaa ina soo gaaray qoraal ka soo baxay Hay’adda Amnesty International,oo ka hadlaya arrimo la xiriira xadgudub ka dhan ah xoriyadda hadalka,dowladda Soomaaliya waxay si buuxda uga warqabtaa mas’uuliyadeheeda ee ku aadan in xuquuqda uu leeyahay qofka muwaadinka ah,ayna u taagantahay in la ilaaliyo xoriyadda hadalka iyo midda shaqsiyadeed”. ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay soo saartay dowladda Soomaaliya.

War-saxaafadeedkan ay soo saartay wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in warbixinta Amnesty ay tahay mid la buun-buuniyay iyo been abuur,iyadoo xustay in ay tahay qorshe magan geliyo raadis dadal reer Yurub iyo dano kale oo gaar ah oo laga leeyahaya.

Sidoo kale ma jiraan cadeymo loo haayo in eedeynta loo jeedinayo dowladda Soomaaliya ee ah xadgudbyada suxufiyiinta,balse arrintan ay u muuqato arrin la siyaasadeeyay,oo ahdaaf gaar ah laga damacsanaa,sidaasi darteedina ay dowladdu si adag u beeninayso warkaasi ay soo saartay Amnesty International.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xustay in ay xaqiijinayso xoriyadda iyo xuquuqda uu leeyahay muwaadin kasta,isla markaana ay qeyb ka tahay xoriyadda saxaafadda,waxaana ay dowladdu intaasi ku dartay in dalka uu mamnuuc ka yahay ficilkasta oo dhaawici kara xuquuqda muwaadinka iyo xoriyatul qowlka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip