Dadkii u badnaa oo hal maalin u dhintay Coronavirus

0
Thursday February 13, 2020 - 22:04:52 in Wararka by
  • Visits: 231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadkii u badnaa oo hal maalin u dhintay Coronavirus

    Dad gaaraya 242 qof ayaa maalin kahor ugu dhintay xanuunka Corona gobolka Hubei ee dalka Shiinaha, taas oo ka dhigan tiradii ugu badneyd oo maalin qura cudurka Corona ugu dhimatay dalkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad gaaraya 242 qof ayaa maalin kahor ugu dhintay xanuunka Corona gobolka Hubei ee dalka Shiinaha, taas oo ka dhigan tiradii ugu badneyd oo maalin qura cudurka Corona ugu dhimatay dalkaas.

Waxaa sidoo kale sare u kacay tirada dadka uu haleelay xanuunka, waxaana lagu soo warramayaa in la daweeyay ku dhawaad 15 kun oo qof. Gobolkan ayaa bilaabay qaab cusub oo lagu la tacaalayo xanuunka, taas oo bannaanka soo dhigtay kiisas badan oo haatan la ogaaday.

Waxaa maalmihii u dambeeyay raja laga muujinayay wax ka qabashada xanuunka, balse kiisaska cusub ee hataan la ogaaday ayaa sii murjiyay xaaladda gobolka Hubei.

Gobolkan aya waxaa ku sugan boqolkiiba sideetan dadka uu ku dhacay xanuunka guud ahaan dalka Shiinaha, maadaama uu markiisi hore ka dilaacay Magaalada Wuhan ee isla gobolkaas.

Qaar kamid ah 242 qof ee u dhintay xanuunka ayaa 135 kamid ah waxay ahaayeen dad laga daweynayay xanuunka oo xaaladooda lala tacaalayay.

Dhanka kale Markab ay saaran yihiin laba kun oo qof ayaa gaaray dalka Cambodia, kadib markii laga soo eryay shan dal, kuwaas oo sheegay inay ka cabsi qabaan in dadka saaran ay qabaan xanuunka Corona.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip