Sanbaloolshe oo ka cabsi qaba in dowlada Farmaajo ay ku burburto waddada tii Maxamed Siyaad oo kale

0
Thursday February 13, 2020 - 21:30:37 in Wararka by
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sanbaloolshe oo ka cabsi qaba in dowlada Farmaajo ay ku burburto waddada tii Maxamed Siyaad oo kale

    Taliyihii hore ee nabad sugida Soomaaliya, Cabddullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo bixiyey wareysi cusub ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, isagoo weerar afka ah ku qaaday madaxda dowladda Soomaaliya. Sanbalooshe ayaa wareysigaan kaga hadlay xaala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyihii hore ee nabad sugida Soomaaliya, Cabddullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo bixiyey wareysi cusub ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, isagoo weerar afka ah ku qaaday madaxda dowladda Soomaaliya. Sanbalooshe ayaa wareysigaan kaga hadlay xaaladda dalka, wuxuuna sidoo kale dusiyey xogo cusub oo ku saabsan intii uu ahaa taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka qaranka.

Siyaasigan oo aan inta badan la gambanin hadalladiisa ayaa marka hore shaaciyey inuu weli madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) u cad yahay xukunka, islamarkaana uusan haatan cidna war ka malqeyn, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu ka cabsi qabo in dowladda federaalka ku burburto gacantiisa, sidii Maxamed Siyaasad Barre oo kale.

"Dabiiciyan Farmaajo xukunkaa u cad, intuu xukunka u cad yahayna qof uu war ka maqlayo majirto waa gar ma qaate, Runtii cabsi baan ka qabaa sidii Maxamed Siyaad Barre dowladda gacantiisa iney ku burburto, wixii yaraa ee la soo dhab dhabaay gacantiisa iney ku baa’baan cabsi ah ayaan qabaa/” ayuu yiri taliye Sanbaloolshe.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday arrimo ku saabsan la shaqeyntii dowladda federaalka, gaar ahaan markii uu heystay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka.

Cabddullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) ayaa carabka ku duftay in muddadii uu xilka hayey lagu amray inuu soo xiro siyaasiyiin badan oo mucaarad ah, oo uu ka tilmaamay Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), balse uu iska diiday, siduu hadalka u dhigay.

Ma shaacin taliyuhu cida bixisay amarkaasi iyo sidoo kale taariikhda la bixiyey intaba, isagoona ka gaabsaday inuu bixiyo macluumaad dheeraad ah.

Si kastaba ha’ahaatee Sanbaloolshe oo marar badan bixiyey wareysiyo ayaa dhaleeceyn u jeediyey dowladda federaalka oo uu muddo ka tirsanaa, wuxuuna inta badan soo bandhigaa khaladaad uusan ka hadlin jirin intii uu hayey xilka taliyaha NISA.

Hoos ka daawo wareysiga

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip