Man United Oo Qiimihii Suuqa Ee Paul Pogba Hoos U Dhigtay, Real Madrid Iyo Juventus Oo Ay Farxad U Tahay & Kooxda Ugu Cad Cad Saxeexiisa.

0
Monday February 10, 2020 - 19:39:50 in Wararka by
  • Visits: 735
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man United Oo Qiimihii Suuqa Ee Paul Pogba Hoos U Dhigtay, Real Madrid Iyo Juventus Oo Ay Farxad U Tahay & Kooxda Ugu Cad Cad Saxeexiisa.

    Maamulka sarre ee kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay go'aan ka qaateen arrimaha khadkooda dhexe ee Paul Pogba oo aad loola xidhiidhinayo bixitaan suuqa xagaagan. Man United ayaan inta ugu badan xilli ciyaareedkan wax awood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka sarre ee kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay go'aan ka qaateen arrimaha khadkooda dhexe ee Paul Pogba oo aad loola xidhiidhinayo bixitaan suuqa xagaagan. Man United ayaan inta ugu badan xilli ciyaareedkan wax awood ah u yeelan inay ku xisaabtamaan xiddiga ugu qaalisan taariikhdooda kaddib dhaawacyo hadheeyay waxaana ay haatan shaqsiyaadka ugu sarreeya kooxdaasi u muuqdaan kuwo aqbalay inuu ku jiro bilihiisii ugu dambeeyay ee kooxda. Sida ay sheegayaan saxaafada kala duwan ee England, Man United ayaa ka warqabta in Pogba uu doonayo bixitaan sidaas darteedna ay hoos u dhigeen lacagihii ay ku doonayeen iibkiisa taas oo farxad u ah kooxihii doonayay ee Juventus iyo Real Madrid. Xilli uu wakiilkiisa Mino Raiola koox raadin ku jiro, Red Devils ayaa hoos uga soo dagay qiimihii 200 Milyan ahaa ee ay ku doonayeen iibka Pogba xagaagii hore iyagoo qiimahiisa cusub ka dhigay 175 Milyan oo euro. Xilli ciyaareedkan ayaa mid aad u adag ku ah Pogba isagoo la tacaalayay dhaawac canqawga ah mudo bilooyin ah, Pogba ayaa qaliin lagu sameeyay bishii January waxaana uu maqnaanshihiisu u muuqdaa mid ka batay intii uu tababare Ole Gunnar Solskjaer saxaafada u sheegay. Dhinaca kale haddiiba wax sanad ka yar kahor ay waxkasta sheegayaan in Pogba uu tababaraha riyadiisa ee Zinadine Zidane kula midoobayo Real Madrid haatan wararka ayaan sidii hore u xooganayn. Soo bixitaanka lama filaanka ah ee da'yarka Fede Valverde ayaa Real ka dhigi kara kuwo aan sidii hore baahi weyn ugu qabin Pogba isla markaana gacanta sarre siin kara kooxdiisii hore ee Juventus.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip