Mohamed Salah & Jordan Henderson Oo Loo Dhalay Wiil Iyo Gabar Sagaal Bilood Ka Dib Guushii Barcelona – Isku Aad Mise?

0
Saturday February 08, 2020 - 22:23:23 in Wararka by
  • Visits: 860
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mohamed Salah & Jordan Henderson Oo Loo Dhalay Wiil Iyo Gabar Sagaal Bilood Ka Dib Guushii Barcelona – Isku Aad Mise?

    Sagaal bilood iyo hal maalin ayaa laga joogaa markii Liverpool ay soo laabasahdii mucjisada aheyd sameysay kulankii semi-finalka ee ay ka adkaadeen Barcelona tartanka Champions League. Reds ayaa 3-0 looga soo badiyay lugtii hore ee semi-finalka ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sagaal bilood iyo hal maalin ayaa laga joogaa markii Liverpool ay soo laabasahdii mucjisada aheyd sameysay kulankii semi-finalka ee ay ka adkaadeen Barcelona tartanka Champions League. Reds ayaa 3-0 looga soo badiyay lugtii hore ee semi-finalka ka dhacay Camp Nou, laakiin labo gool uu dhaliyay Divock Origi ayaa ka caawisay Liverpool inay u gudbaan finalka iyadoo markii danbe koobka ku guuleystay. Waxay u muuqataa in ciyaartoyda qaarkood ee Liverpool inay dabaaldeg weyn sameeyeen habeenkaas. Waxaa shalay soo baxday in Jordan Henderson xaaskiisa ay dhashay wiil yar. Waa canugii seddexaad ee loo dhalo kabtanka Liverpool Henderson isagoo hore u heystay labo gabdhood oo lagu kala magacaabo Alexa iyo Alba. Xaaska Henderson ayaa dhashay xaqiiq ahaan sagaal bilood ka dib habeenkii taariikhiga ahaa ee Anfield. Xaaska Mohamed Salah ayaa iyadana lagu waramayaa inay dhashay gabar loo bixiyay Kayan.

Liverpool FC v Wolverhampton Wanderers - Premier League

Salah ma uusan dheelin kulankaas madaama uu dhaawac ahaa, laakiin waxa uu fadhiyay kursiga keydka isagoo soo xirtay funaanad dhiirogelin aheyd oo ay ku qorneyd: "Marnaba ha isdhiibin”

Waa canugii labaad ee Salah loo dhalo isagoo hore u heystay gabar yar oo lagu magacaabo Makka.

Taageerayaasha Liverpool ayaa bilaabay inay isla dhexmaraan in labada caruur ay caloosha galeen maalmo ka dib guushii Barcelona.

@BassamLFC ayaa qoray: "Henderson iyo Salah labaduba xaasaskooda ay dhaleen caruur maanta sagaal bilood ka dib kulankii Barcelona, waxay u muuqataa inay faraxsanaayeen ciyaarta ka dib.”

"In Henderson iyo Salah xaruur loo dhalay sagaal bilood ka dib soo laabashadii kulankii Barcelona waa wax aad u fiican” @RichRancenoted.

FBL-EUR-C1-LIVERPOOL-BARCELONA

@Lausters ayaa qoray: "Caruurta Henderson iyo Salah waxay dhasheen 24kii saacadood ee ugu danbeysay, soo laabashadii kulankii Barcelona waxaa la joogaa sagaal bilood…. waa awooda kubada cagta!!!!”

Taageerayaasha qaarkood oo uu ku jiro @rizkimuhammad, ayaa soo qoray: Waa in Origi laga dhigaa qofkii banaanbixin lahaa caruurta.”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip