Maxkamadda Hargeysa oo sheegtay in sifo aan sharci ahayn lagu soo xiray Fanaaniinta Xidigaha Geeska

0
Tuesday September 29, 2015 - 17:31:46 in Wararka by
  • Visits: 740
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Hargeysa oo sheegtay in sifo aan sharci ahayn lagu soo xiray Fanaaniinta Xidigaha Geeska

    ar ka mid ah Fanaaniinta Xidigaha Geeska oo Axadii lagu xiray Magaalada Hargeysa, ayaa maanta la horkeenay Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex, si ay kiiskooda u qaaddo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ar ka mid ah Fanaaniinta Xidigaha Geeska oo Axadii lagu xiray Magaalada Hargeysa, ayaa maanta la horkeenay Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex, si ay kiiskooda u qaaddo. Markii Maxkamadda la horkeenay gal dacwadeedka Fanaaniinta, ayaa waxay Maxkamaddu ku dhawaaqday in sifo aan sharci ahayn lagu soo dacwadeeyay Fanaaniinta, isla-markaana ay Boolisku ka doonayso in dacwad sax ah ka soo gudbiyan Fanaaniinta.

Axmed Dalmar Ismaaciil, Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex, ayaa sheegay in si aan sharci ahayn loo soo dacwadeeyay Fanaaniinta, uuna ku baaqaayo in xarigooda la waafajiyo Sharciga.

Fanaaniintan, ayaa Maxkamadda la horkeenay iyagoo jeebadaysan, marka laga soo taggo Fanaananada Xamda Queen, oo aan iyadu gacmaha laga katiinadeen.


Booliska, ayaa dib Fanaaniinta ugu celiyay Xabsiga Dhexe Hargeysa, halkaasoo ay kaga sugan yihiin qol ku yaala, illaa iyo inta kiiskooda laga soo gaba gabeenayo.

Gudoomiyaha Fanaaniinta Xidigaha Geeska, Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax), ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda, isagoona go’aanka Maxkamadda ku xoojiyay sida aan sharciga ahayn ee loogu bareeray xariga Fanaaniinta.

Xukuumadda Somaliland, ayaa dhaleeceen xoog badan oo dhinaca bulshada kala kulmaysa xariga Fanaaniinta, waxayna tanina noqotay hadalhaynta ugu xoogga badan ee bulshada hadalhayso.

Marka aad milicsato barraha bulshada ku wada xiriirto, ayaa waxaa kuu muuqanayso in buun weyn lagu yeeriyay Xukuumadda Somaliland, sida ay ugu deg degtay xariga Fanaaniinta Xidigaha Geeska.

Fanaaniinta Somalida oo isku duuban, ayaa si isku midda kaga dhiidhisay xariga Xamda Queen, Nimcaan Hillaac, C/raxmaan Oday iyo Maxamed Axmed Cirro (Bakaal).



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip