Barcelona Oo Ka Hadashay Wararkii La Xidhiidhinayay Bruno Fernandes

0
Thursday February 06, 2020 - 20:37:57 in Wararka by
  • Visits: 705
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona Oo Ka Hadashay Wararkii La Xidhiidhinayay Bruno Fernandes

    Agaasimaha Kooxda Barcelona ee Eric Abidal ayaa beeniyay wararkii kooxda Barcelona la xidhiidhinayay xiddiga dhawaan ku biiray kooxda Man United ee Bruno Fernandes. Maalmihii ugu dambeeyay suuqa Jnauary ayay soo bexeen warar Barcelona la xidhiidhina

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Kooxda Barcelona ee Eric Abidal ayaa beeniyay wararkii kooxda Barcelona la xidhiidhinayay xiddiga dhawaan ku biiray kooxda Man United ee Bruno Fernandes. Maalmihii ugu dambeeyay suuqa Jnauary ayay soo bexeen warar Barcelona la xidhiidhinayay saxiixa xiddigii hore ee Sporting Lisbon ee Fernandes. Xiddiga reer Portugal ayaa ugu dambayn ku biiray kooxda Man United isaga oo qalinka ku duugay heshiis 5 sano iyo badh ah. Inkasta oo ay jiraan wararka Kubad sameeyaha la xidhiidhinayay kooxda Barcelona hadana Abidal ayaa sheegay in ayna Barcelona marna wax xiiso ah u muujin xiddiga khadka dhexe. Isaga oo la hadlaya wargayska Sport ayaa yidhi"Waa xiddig cajiib ah laakiin wakiilada ayaa qabsada shaqadooda, marna umaanu baahnayn saxiixiisa, kaliya wakiilada ayaa wax walba u samaynaya si ay xiddigohooda u iibiyaan laakiin wax xiiso ah umaanu qabin".






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip