Wararkii ugu dambeeyay Khilaafka doorashada Galmudug ka dhashay

0
Tuesday February 04, 2020 - 22:49:12 in Wararka by
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay Khilaafka doorashada Galmudug ka dhashay

    Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa bilaabay dadaallo lagu xalinaayo Khilaafka ka dhex taagan maamulka Galmudug ee yeeshay Saddexda Madaxweyne ee ku kula sugan Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo. Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa la kulmay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa bilaabay dadaallo lagu xalinaayo Khilaafka ka dhex taagan maamulka Galmudug ee yeeshay Saddexda Madaxweyne ee ku kula sugan Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo. Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa la kulmay Madaxa Xukuumadda Galmudug iyo Axmed Geelle Xaaf Madaxweynaha Galmudug Garabka Gaalkacyo, waxaana ay ka codsadeen in ay diyaar u noqdaan in la xaliyo Khilaafka. Xubno ka socda dhaqanka ayaa sidoo kale la kulmaya Madaxweynaha dowladda aqoonsan tahay Axmed Cabdi Kaariye. Magaalada Dhuusamareeb ayaa inta badan maanta waxaa kasoo baxay Ergooyinkii maalmihii ugu dambeeyay u jooggay Dhismaha Galmudug. War saxafadeed kasoo baxay Ururka Ahlusunna ee dhawaan u doortay Madaxweynaha Shaakir ayaa si weyn uga soo horjeestay Doorashadii lagu doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. Ahlusunna waxa ay sheegeen in ay sii waddi doonaan qacinta bulshadda diidan Madaxweyne ay ku doorteen Dhuusamareeb, sidoo kalena Afduub ayay ku tilmaameen doorashadii Qoor Qoor.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip