C/Raxmaan Odawaa Oo Caddeeyay Mowqifkiisa Ku Aadan Doorashadii Qoor-Qoor

0
Tuesday February 04, 2020 - 20:24:31 in Wararka by
  • Visits: 245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/Raxmaan Odawaa Oo Caddeeyay Mowqifkiisa Ku Aadan Doorashadii Qoor-Qoor

    qaadacday Doorashaas ayaa Goor dhaweyd Caddeeyay mowqifkiisa ku aadan Doorashadii maalin kahor ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee uu kusoo baxay Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor. C/raxmaan Odawaa oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

qaadacday Doorashaas ayaa Goor dhaweyd Caddeeyay mowqifkiisa ku aadan Doorashadii maalin kahor ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee uu kusoo baxay Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor. C/raxmaan Odawaa oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa ku sheegay inuu mar kale u taagnaan doono xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug, isla markaana deegaanada maamulkaas uusan marti ka noqon doonin.

Cabdiraxmaan Maxamed Odawaa oo kamid ah Musharaxii u tartameysay xilka Madaxweynaha Galmudug, sidoo kalena kamid ahaa Musharaxiin ka 

Sidoo kale C/raxmaan Odawaa ayaa Eedeeyn u jeediyay Madaxda dowladda Federaalka oo uu sheegay in aysan si sax ah u marin dhismaha Maamulka Galmudug, wuxuuna uu tilmaamay in haatan Galmudug ay leedahay Saddex maamul waa sida uu hadalka u dhigay.

C/raxmaan Odawaa ayaa wax hambalyo u dirin Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, halka Saddexdii kale Musharax ah ee Isbaheysiga lahaa ay si isugu mid ah u soo soo dhaweeyeen Doorashadii Galmudug, isla markaana ay hambalyo u direen Madaxda Cusub Galmudug hogaamin dooto Afarta sanno ee soo socota.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Cabdiraxmaan Odawaa.

Nidaamka Farmaajo waxa uu dalka ku soo kordhiyay inta uu dadka dulmiyo haddana ku qasbo in ay aqbalaan, una sacabo tumaan gaboodfalkii loo gaystay.

Sida Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisu ula dhaqmeeen maamul dhisidda Galmudug waa si taariikhdooda bar madow ku ahaan doonta, qof walba ayaa marqaati ka ah in 2018 ay madaxweyne ku barbar dhiseen kii sharciga ahaa, barlamaankii kala qeybiyeen, sidoo kalena ay June 2019 la wareegeen Galmudug hal maamul leh ka dib markiii ay madaxa isu galiyeen Madaxweynihii iyo madaxii Xukumadda.

Sideed bilood oo gacan maroojis iyo amar ku taagleyn ah waxa ay natiijadii noqotay in ay saakay Galmudug leedahay saddex maamul oo ay ayagu mid dhisteen.

Aniga oo laf dhabar u ahaa raggii awlaba maamulkaas halkaas ka keenay, waxaan u taagnaan donaa inaan mar kale ka qayb noqdo isku baadi-goobka dadkii kooxda Villa Somalia ay kala irdheeyeen.

Inta ka horeysa dulmi iyo garbaduub muuqda kama noqon doono marqaati-beenaale, cadaalad daradii aan tartanka uga haray kadib ma jirto sabab aan midkood ugu hambalyeeyo.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip