Faah Faahin:-Kooxo Hubeysan Oo Caawa Dil Ka Geystay Muqdisho

0
Tuesday February 04, 2020 - 20:10:32 in Wararka by
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:-Kooxo Hubeysan Oo Caawa Dil Ka Geystay Muqdisho

    Faah faahino ayaa laga helayaa Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado oo Caawa gudaha Suuqboocle ee Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ku dilay Nin la sheegay inuu Ganacsade. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Radio Dalsan ayaa waxaa u sheegeen in Ninka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahino ayaa laga helayaa Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado oo Caawa gudaha Suuqboocle ee Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ku dilay Nin la sheegay inuu Ganacsade. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Radio Dalsan ayaa waxaa u sheegeen in Ninka la dilay uu Suuqboocle ku lahaa Goob lagu iibiyo Mooska, waxaana falkaas u geystay rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolado.

Marxuumka ayaa waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Hilowle, waxaana goobta uu falka ka dhacay ka baxsaday ragii ka dambeeyay falkaas, waxaana daqiiqado kadib halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda.

Sidoo kale Ciidanka dowladda ayaa sida caadada u aheyd sameeyay baaritaano kala duwan, hayeeshee lama shaacin cid lagu soo qabtay howlgalkaas oo ka dhacay qeybo kamid ah Degmada Dharkeenley.

Ilaa iyo hada lama oga sababta loo dilay Maxruuma Hilowle oo Ganacsade ahaa, balse dilkiisa ayaa waxaa uu kamid noqonayaa dilala horey uga dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip