Musharax kale oo taageeray doorashadii Dhuusamareeb ee Axmed Cabdi Qoor Qoor

0
Tuesday February 04, 2020 - 19:13:36 in Wararka by
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharax kale oo taageeray doorashadii Dhuusamareeb ee Axmed Cabdi Qoor Qoor

    Cabdullaahi Faarax Wehliye oo ka mid ahaa afartii musharrax ee ugu saameynta badnaa doorashadii Galmudug, balse ka haray tartanka doorashadaasi ayaa ka hadlay xaaladda guud ee maamulkaasi iyo isbedalladii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka G

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdullaahi Faarax Wehliye oo ka mid ahaa afartii musharrax ee ugu saameynta badnaa doorashadii Galmudug, balse ka haray tartanka doorashadaasi ayaa ka hadlay xaaladda guud ee maamulkaasi iyo isbedalladii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Wehliye oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa marka hore taageeray doorashadii Dhuusamareeb ee lagu doortay Qoor Qoor, isagoona sidoo kale u hambalyeeyey. Sidoo kale qoraalkaan ayuu Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Wehliye uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Galmudug, wuxuuna tilmaamay inuu isagu gartay inuu tanaasulo, si loo soo afjaro khilaafaadka la dagay horumarka maamulkaasi. Ugu dambeyn wuxuu u mahadceliyey madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha iyo wasaaradda arrimaha gudaha.

Halkaan hoose ka aqriso:

GALMUDUG la wada leeyahay baadi goobkeeda waxaan bilaabay April 2017 kadib markii aan la wareegey xilka Wasiirudowlaha Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta.
Dadaal dheer kadib waxaa Alle nagu guuleeyey aniga iyo intii igala shaqeysayba guulahaan :-


1. Curintii, Abaabuulkii iyo hirgelintii heshiiskii Djibouti ee Galmudug iyo Aswj lagu mideeyey.

2. Isku darkii baarlamaankii Galmudug iyo Aswj ee Dhuusamareeb.
3. Heshiiskii DFS iyo Aswj ee Raysulwasaaruhu ku tegey Dhuusamareeb si loo yagleeli Galmudugta Cusub ee maanta.
4. Isku dhafkii Ciidanka DFS iyo Galmudug/ASWJ.
In lagu guuleysto shaqooyinkaas waxaa suurta geliyey kana qeyb qaatay masuuliyiinta kala ah:-
1. Madaxweynaha JFS
Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
2. Raysulwasaaraha XFS
Mudane Xassan Cali Kheyre
3. Wasiirkii Arrimaha Gudaha
Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa)
4. Wasiirka Arrimaha Gudaha
Mudane Cabdi Maxamed Sabriye
5. Wasiirkii Arrimaha Gudaha
Mudane Cabdisamad Macalim Maxamuud
6. Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf
7. Madaxa Xukuumadda Galmudug
Sh Maxamed Shaakir Cali Xassan.
8. Hogaamiyaha Sare Aswj
Macalim Maxamuud Sh Xassan
9. Xildhibaan Mahad Salaad
10. Xildhibaanad Ubax Tahliil Warsame
11. Wasiirkii Qorsheynta Galmudug
Mudane Cabdikaafi Qaaf
12. Cali Yare Cali
13. Aadan Cismaan Xusseen
14. Maxamed Cabdixaliim.
15. Urur Goboleedka IGAD.
Musuuliyiinta kor xusan waxaan uga mahad celinayaa doorkii ay ka qaateen dib u soo nooleenta Galmudugta cusub.
Intaas kadib waxaan kamid noqday musharaxiintii usoo istaagey xilka Madaxweynaha Galmudug 2020-2024, hase ahaatee masuuliyiintii Dowladda Dhexe iyo Gudoonka Baarlamaanka Galmudug waxaan ku kala fikir duwanaaney qaabka loo marayo Doorshada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, sidaas ayaana uga haray Doorashadii Galmudug ka dhacday 02-02-2020 ee lagu doortay Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.
Hadaba anigoo og wadadii dheereed ee loo soo maray isku keenista Galmudug, isla markaana ilaalinaya midnimada iyo wadajirka Galmudug waxaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug u cadeynayaa inaan soo dhoweynayo natiijadii kasoo baxday doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug ee lagu doortay Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Daahir Ciid. Waxaan leeyahay Hambalyo, xilkana Allaha idinku asturo. Waxaana u balan qaadayaa inaan si buuxda ula shaqeyn doono Inshallah.
Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa madaxda la doortay iyagoo kaashanaya DFS, Saamileyda Siyaasada iyo Bulshada reer Galmudugba iney isku doonaan dhinacyada tabashooyinka qaba gaar ahaan ASWJ iyo Madaxweyne Xaaf si loo gaaro xal waara Galmudugna looga daba geeyo Dowlad Goboleedyada dalka.
Waxaan mar kale si gaar ah ugu mahad celinayaa Raysulwasaaraha XFS dadaalkii aan qiyaasta laheyn ee uu geliyey Galmudug waxaan leeyahay mirihiisii waa la gaarey ee aan xajino Inshallah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip