Shirkada Nike Oo Ku Dhawaaqday In Ay Gabi Ahaanba Joojisay Iibinta Wax Walba Oo Uu Lahaa Kobe Bryant Iyo Sababta Dhabta Ah Oo La Sharaxay.

0
Tuesday January 28, 2020 - 23:05:32 in Wararka by
  • Visits: 779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkada Nike Oo Ku Dhawaaqday In Ay Gabi Ahaanba Joojisay Iibinta Wax Walba Oo Uu Lahaa Kobe Bryant Iyo Sababta Dhabta Ah Oo La Sharaxay.

    Maalmihii ugu danbeeyay waxaa ciyaaraha caalamiga ah haystay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid halyaygii hore ee NBA-da ee Kobe Bryant kaas oo ku geeriyooday shil diyaaradeed laakiin shirkada Nike ayaa soo saartay war saxaafadeed ay ku mamnuuceen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa ciyaaraha caalamiga ah haystay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid halyaygii hore ee NBA-da ee Kobe Bryant kaas oo ku geeriyooday shil diyaaradeed laakiin shirkada Nike ayaa soo saartay war saxaafadeed ay ku mamnuuceen iibinta wax walba oo uu Kobe Bryant lahaa. Waxaa la sharaxay sababta dhabta ah ee waqtigan ku soo beegtay in shirkada caalamiga ah ee Nike ay ku dhawaaqday joojinta iibinta wax walba oo uu lahaa Kobe Bryant. Kobe Bryant iyo todoba qof oo la saarnaa diyaarad helikobtar ah oo ay ku jirtay inan ama gabadh uu dhalay ayaa ku naf waayay shilkan waxayna taasi keentay in warbaahinta caalamiga ah uu si buuxda warkani u qabsaday. Haddaba shirkada Nike ayaa go'aan ku gaadhay in ayna dhaqaale ahaan uga faa'iidaysan musiibada ku habsatay qoyska Kobe Bryant isla markaana ayna iibin waxyaabihii uu magiciisu ku qornaa oo dalabaad waali ah helay. Shirkada Nike ayaa qaadatay go'aan bini aadamnimo balse ay lacag waali ah ku waayayaan waxayna doorteen in halkii ay lacag badan ka samayn lahaayeen iibsashada dad waynaha aduunka ee waxyaabihii uu Kobe Bryant lahaa in ay waqti xaadirkan joojiyaan. Shirkada Nike ayaa sidoo kale shaacisay in la kansalay dalabyo badan oo laga soo gudbiyay alaabihii uu ku qornaa magaca Kobe Bryant isla markaana ay iibinta alaabahan joojinayaan ilaa inta uu war kale ka soo baxayo. Dadkii soo dalbaday alaabihii shirkada Nike iyo Kobe Bryant ay ku wada jireen ayaa la socod siin waayay waxaana dadkii dalabaadka keenay loo celiyay lacagtii ay alaabta ku doonayeen. War ka soo baxay shirkada Nike ayaa lagu yidhi: "Isagu waxa uu ahaa mid ciyaartoyda jiilkiisa ugu fiicnaa, wuxuuna aduunka ciyaaraha iyo bilshada Basketball-ka uu ku lahaa saamayn aan la qiyaasi karayn". "Isagu waxa uu ahaa xubin ka mid ahayd qosyka Nike ee la jecel yahay, in badan ayaanu tabi doonaa. Dhamaan walxihii Kobe waa laga saaray dalabaadka Online-ka waxaana la celiyay lacagihii, ma iibin doono wax walba oo uu lahaa Kobe ilaa ogaysiis kale ka soo baxayo" ayaa warka Nike la raaciyay. Kobe Bryant ayaa saamayn layaableh ku lahaa guud ahaan ciyaaraha caalamiga ah gaar ahaan NBA-da iyo kubbada cagta oo loo arko in ay yihiin ciyaaraha ugu saamaynta badan aduunka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip