Waxaa jiro shaqo JIM u baahan iyo Shaqo Jaamacad u baahan=Nasashada Jimcaha. Q- 184-aad=

0
Friday January 24, 2020 - 19:21:39 in Wararka by
  • Visits: 1159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaa jiro shaqo JIM u baahan iyo Shaqo Jaamacad u baahan=Nasashada Jimcaha. Q- 184-aad=

    1- Nin Xildhibaan ah oo Qurbaha ka yimid ayaa ku yiri Xildhibaan Dalxa: Dalxoow, Intii aanan Xildhibaanka Noqon, waxaan u shaqeynayay Waaxda Caafimaadka ee D/hoose ee Oslo oo aan ka ahaa Sarkaal sare, kadibna waxaan imid Dalka Holland waxaana shaqo k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1- Nin Xildhibaan ah oo Qurbaha ka yimid ayaa ku yiri Xildhibaan Dalxa: Dalxoow, Intii aanan Xildhibaanka Noqon, waxaan u shaqeynayay Waaxda Caafimaadka ee D/hoose ee Oslo oo aan ka ahaa Sarkaal sare, kadibna waxaan imid Dalka Holland waxaana shaqo ka bilaabay Wasaarada Caafimaadka ee Dalka Holland.

Xil.Dalxa ayaa yiri: Anniguna intii aanan Xildhibaanka noqon, Aniga oo joogo Magaalada Nairobi ayaa Asgari Kenyan ah i eryaday, Orod ayaa uga baxsaday, kadibna Hindiya ayaan tagay, Asgari Hindi ah ayaan dharbaaxay, wuu isoo eryaday kadibna Fagax, Cagaheeyga ayaan uga baxsaday Asgarigii iyo Ciidankii la socday.

 

Xildhibaankii kale ayaa yiri: War Dalxoow, Asgarigu ma Curyaan ayuu ahaa. Dalxa ayaa yiri: Wasaarada Caafimaadka waaxda Musqula nadiifinta maa laga qabtaa. Xildhibaankii kale ayaa yiri: Xildhibaanada CV-gooda in la baaro sharcigu ma qabo, ee Dalxoow, waad i fahamtay ee iga qaleey,kuma gaadi karee ( F.S: 1, 2, 3,4,& 5aad)

( Ceebta Alla ha Asturo)

2-Haweeney ayaa habeen barkii ka soo toostay, waxa ey arki weyday Seygeedii oo dhinac Jiifay. Kadibna Qolka fadhiga ayeey ku aragtay isaga oo kaligii Fadhiyo oo Kafee cabayo oo Fikirsan oo Ooynayo.

 

Waxa ey ku tiri: Maxaa kugu dhacay? Waxa uu ku yiri: ma hilmaantay caawa soow ma ahan Sannad guuraagii 20aad ee ka soo wareegay habeenkii aan is baranay.

Iyadiina Farxad ayeey la ooysay, in ninkeedii uu xasuusto Sannad guuraagii 20aad ee ka soo wareegtay is barashadoodii.


Waxa uu ku yiri: Ma xasuusataa markii aan isbaranay waxaan jiray 18 Sanno Adiguna 15 Sanno. Mar kale ayeey Farxad la ooysay, iyada oo leh : Ha, ha, ha, Gacaliye.

Maxasuusataa habeen Adiga oo Qolkaaga hoosta iiga jiro, in Aabahaa oo Xeer ilaaliye ka ahaa maxkamada uu noo soo galay,oo uu Bustoolad Madaxa iga saaray, uuna igu yiri: Gabarteeyda ayaad dhinac jiifatay Adiga oo aan qabin, Laba mid dooro: in aad Gabadheyda Guursato ama 20 Sanno oo xarig ah ayaa laguugu xakumayaa. Waxa ey tiri: Xabiibii taana waan xasuustaa.

Waxa uu ku yiri: Haddii aan Xabsiga Dooran lahaa, maanta ayaan ka soo bixi lahaa Aniga oo xur ah. Laakin weli….…. Wuuna sii Ooyay. ( F.S: 6aad)

(Somalida 1960kii miyaa lagu xakumay 60 Sanno oo Danteed moog ah)

3-Boqor ayaa Dadkiisii neceen, oo had iyo jeer ey inkaari jireen. Maalintii dambe ayuu xanuunsaday, wiilkiisii ayuu ku yiri: Xaalkeeygu ma fiicno, inkaar badanina wey iga horeeysaa, ee sideen Duco ku helaa. Wiilkii ayaa yiri: Aabe, Anaa kaa balan qaaday. Boqorkii ayaa dhintay. Wiilkii oo xilkii la wareegay ayaa yiri: Aabaheey meeydkiisa waxaa laga soo qaadayaa Magaalada Waqooyigeeda, waxaana lagu aasayaa Koofurteeda, Meeydkiisana toos ayaa loo qaadayaa lagana leexin maayo Gurigii uu ku yimaad ee waa la duminayaa, kadibna halkaasi wadada la marayo ayeey noqonee, wadooyinka kalena waa la xirayaa.

Dadkii ayaa mar kaliya wada yiri: Kii horaa roonaa, Allow kheyr ku sii, Gurya nagama dumin, Waddana nagama xirin. Dambigiisa Alla ha dhaafo, wiilkiisaa ka darane. ( F. S: 7aad)

( Tuke duqoobay oo 1000 sanno jir ah oo Geed moqorkii ku jiray ayaa la weeydiiyay,Tukoow Aduunyo ka waran, waxa uu yiri: Aduunyo gadaal u xun, intaa noolaa Sannadba kan ka dambeeyo ayaa ka xumaa.Weli ma aragtay madax kuwii ka horeeyay ee la dhibsaday ,markii dambena loo duceeyay)

4- Nin Qurba joog ahaa ayaa Shaqo ka dalbaday "Wakaalada Suugaanta, Taariikhda iyo Horuumarinnta Afka Somaliga” Imtixaankii laga qaaday ayuu ku soo dhacay. Saaxiibadii ayuu u yimid, wuxuuna ku yiri: wadankaan Cadaaladi kama jirto. 4 Su’aal ayaa la i weeydiiyay, Labo waan Saxay labana waan khaladay,50% ayaan lahaa shaqadiina waa la ii diiday.

Waxaa lagu yiri: Maxeey ahaayeen su’aaluhu?. waxa uu yiri: Labada aan khalday waxa ey ahaayeen: Goormee Soomaliya Gobanimada qaadatay? Iyo SYL maxaa laga wadaa? Labadaa waan khalday Jawaabtii. Labada aan ku gudbay waxa ey ahaayeen, Baaritaan Caafimaad oo la ii diray, Kaadida iyo Dhiiga. ( F.S: 8aad)

(Waxaa jiro shaqo JIM u baahan iyo Shaqo Jaamacad u baahan)

5-Nin ayaa Xaasiisa oo ka shakisneyd waxa ey siisay Numbarka Mobilkiisa Saaxiibteed kuna tiri: Caawa soo wac Ninkeeyga isagana dhig Gabar shukaansanee.

Habeenkii isaga oo xaaskiisa la joogo ayeey soo wacday kuna tiri: Babe, waxaan ahay Gabar Xaafada degan aad ayaan kuu jecelahay, habeen dambena waad ii casuumantahay.
Waxa uu ku yiri: Naa iga tag, waxaan ahay nin Xaas leh, weligeeyna Xaaskeeyga Naag kale kama shukaansan, iyada oo kaliya ayaa inta aan noolahay la joogayaa.

Xaaskiisii Farxad iyo kalsooni ayaa u siyaaday. waxa eyna go’aansatay in eyna Ninkeeda mar kale ka shakin.

Subixii ayuu isla Numbarkii wacay, kuna yiri: Babe, Raali ahaaw, Xalay mid Doqon ah oo Dumaashideey ah oo war badan ayaa ila joogtay, Caawa xageen isku aragnaa.

6-Nin Wadaad ahaa oo Xaafada Laba dhagax Imaam ka ahaa ayaa Ciyaalka Xaafadda ku wacdinayay ayaa yiri: Dhalinyarooy Sigaarka iska dhaafa Caafimaadka uma roono, waana Xaaraan in la dhuuqo Sigaarka.

Maalintii Dambe ayaa ciyaalkii arkeen Wadaadkii oo Luuq Sigaar ku cabayo. Waxa eyna yiraahdeen bal shiikhoow noo sheeg Masalada Sigaarka.

Waxa uu yiri: Baabul Sigaar, Faslul Xallaal, Xaraam, wal karaahiyo waxa uu qabaa: Sigaarku hadduu xalaal yahay waa la cabi karaa. Hadduuse Xaaraan yahay, in la gubo oo Dab lagu qabto waa banan tahay. Ciyaalkii Xaafada ayaa yiri: waa kaa dhuujinay.

(Xildhibaanada waa in odayaasha dhaqanku soo xulaan, Laakin Cinda duruuriyaat wa Iraadatul Xukuuma, waa banana tahay in Dollarku soo xulo)

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip