Dil Ka Dhacay Degmada Afgooye Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

0
Sunday January 19, 2020 - 23:37:27 in Wararka by
  • Visits: 242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dil Ka Dhacay Degmada Afgooye Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa

    Wararka aan ka heleyno Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow halkaas lagu dilay Wiil dhalinayro ah oo la sheegay inuu shacab ahaa. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dilkaas uu ka dhacay bartamaha Afgo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyno Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow halkaas lagu dilay Wiil dhalinayro ah oo la sheegay inuu shacab ahaa. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dilkaas uu ka dhacay bartamaha Afgooye, waxaana Wiilka dhalinyada ahaa u geystay Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiay Cabdisalaam Maxamed Macalin, waxaana goobta uu dilka ka dhacay si deg deg ah uga baxsaday ragii ka dambeeyay falkaas. Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, waxaana ay ka wadaan baaritaano ay ku radinayan kooxihii hubeysnaa ee dilka geystay. Wararka ayaa intaas waxaa ay ku darayan in Cabdisalaam Maxamed Macalin uu la shaqeeynayan muddooyinkii dambe Maamulka Degmada Afgooye, hayeeshee Maanta xili uu ku sugnaa Bartmaha Magaalada la toogtay. Degmada Afgooye ayaa xiliyada qaarkood waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, waxaana inta badan dilalkaas sheegta Al-dagaalmayaasha Al-shabaab.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip