Maleeshiyaad Ku Dagaalamay Deegaano Ka Tirsan Galgaduud Oo La Kala Qaaday
Ciidamada qalabka sida qeybta 21-aad Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Ku guuleestay in la kala qaado Maleeshiyaadkii ku dagaalamay inta u dhexeysa deegaanada Xinjilab iyo Bangeelle ee Gobolka Galgaduud.
Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Faderaalka, Taliyaha qaybta 21-aad Gen Qooje iyo saraakiil la socotay oo uu ka mid yahay Taliyaha qaybta Guud ee Booliiska Gobolka Galgaduud ayaa halkaasi gaarey kuwaa oo goobjoog ka noqdey tilaabada koowaad ee lagu kala qaaday maleeshiyaadka dagaalamey,
xigasho:radopdalsan.com
Sidoo kale labada beelood ayaa ku balamey in ay isugu yimaadaan gogol rasmi ah iyadoo mas’uuliyada ilaalinta amaanka loo saarey Taliska qaybta 21-aad oo halkaa kasii howl galaya inta xal waara laga gaarayo colaadaasi.
Taliyaha qaybta 21-aad Gen Qooje ayaa ciidanka amaanka ku amray in ay masuuliyad taxadar leh ka qaataan in dadka soomaaliyeed ee dagaalamay lakala badbaadsho oo ciidanku mar kastaba isha Ku hayaan Dhaq dhaqaaqyada dadka reer miyiga ah .
Maleeshiyaad Ku Dagaalamay Deegaano Ka Tirsan Galgaduud Oo La Kala Qaaday
Ciidamada qalabka sida qeybta 21-aad Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Ku guuleestay in la kala qaado Maleeshiyaadkii ku dagaalamay inta u dhexeysa deegaanada Xinjilab iyo Bangeelle ee Gobolka Galgaduud. Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Ba