Miyey Somaliland ka been sheegtay kiisaskii dilka ee lagu fuliyey lixda QOF?

0
Sunday January 19, 2020 - 21:09:08 in Wararka by
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Miyey Somaliland ka been sheegtay kiisaskii dilka ee lagu fuliyey lixda QOF?

    Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhowaan dil toogasho ah ku fulisay Lix maxbuus oo ay sheegtay inay geysteen dilal, isla markaana ay Maxkamadu ku xukuntay xukunadaasi dil. Dowladda Itoobiya ayaa iyadu qabta in Somalil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhowaan dil toogasho ah ku fulisay Lix maxbuus oo ay sheegtay inay geysteen dilal, isla markaana ay Maxkamadu ku xukuntay xukunadaasi dil. Dowladda Itoobiya ayaa iyadu qabta in Somaliland ay ka been sheegayso kiisaska saxda ah ee labo kamid ah Lixdaasi Ruux ee dhowaan ay toogatay xukuumada Biixi, iyadoona si toos ah ula xiriirisay falal Argagixiso. Wasaarada arrimahad dibada ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in Lixdii ruux ee Somaliland ku fulisay dilka ay Labo Nin oo kamid ah ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab, isla markaana lagu helay dambiyo la xidhiidha argagixisada.

Wasaarada ayaa arrinkaasi ku sheegtay qoraal ay ku daabacday warbixinteeda todobaadlaha ah ee ‘Week In the Horn’, inkasta oo ay si toos ah u shaacin magacyada labada Nin ee ay la xidhiidhisay inay ka tirsanaayen ururka Al-Shabaab.

Xukuumada Somaliland ayaa muddo 3-cisho ka hor xukun dil ah ku fulisay Lixdaasi ruux, iyadoona xeer ilaalinta guud ay soo saartay magacyada lixda nin ee la toogtay iyo magacyada dadyow ay sheegtay in Maxkamadu ku heshay inay dileen.

Ilaa iyo hadda majiro wax war ah oo ka soo baxay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi oo ay kaga jawaab celinayso arrintaasi ay Wasaarada arrimaha dibada ee dalka Itoobiya ay ku daabacday Warbixinteeda todobaadlaha.



 
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip