Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaaday Marka iyo dagaal culus oo ka socda
Wararka aan ka heleyno magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in dagaal toos uu xilligaan ka socdo, kadib markii ay weerar culus ku soo qaadeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Weerarka ay goor dhaw Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Marka ayaa ku bilaawday qaraxyo aad u culus oo lagu sheegay is-miidaamin, kuwaas oo ka dhacay fariisimo ay ciidamada xoogga dalka ku leeyihiin xaafadda Ruusiya ee dhacda dhanka Bari ee magaalada.
Qaraxyada waxaa xigay weearar dhowr jiho ah oo dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku soo qaadeen magaalada, waxaana haatan Marka ka socda dagaal culus oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan.
Weli lama ogaan karo khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda gudaha magaalada, waxaana aad u kacsan xilligan xaaladda magaalada Marka.