sababaha RW Kheyre uu u Joojiyay Heshiiskii Shalay Ay Saxiixeen Wasiir Beyle Iyo Cumar Finish
"Iyada oo la tixraacayo ammar ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa , waxaa la hakiyay Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalooyinka madaxyada Dowlad Goboleedyada oo ay kala saxiixdeen wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo qaar kamid ah wasiirrada maaliyadda Dowlad Goboleedyada. Dib u eegis ayaa lagu sameyn doonaa mashruuca, waxaana laga qeyb geli doonaa dhammaan dowlad goboleedyada” ayaa lagu yiri Ammarka uu soo saaray RW Kheyrre
Si kastaba Mashruucaan ayaa waxaa lagu dhisi lahaa Magaalooyinka dalka sida Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe, waxaana Mashuuraan uu ku kacayaa 112 Milyan.
haddaba sababaha uu u joojiyey Ra'iisalwasaare Kheyrre ayaa ah in cabashooyin badan iyo qoraallo badan oo baraha bulshada iyo madaxda maamulada ka maqnaa mashruucaasi ay soo gaareen . isagoo garowsaday in eed aan xal lahyen kaga imaan karto haddii sida qorshaasi loo saxiixay hadeey arrintu ku dhacdo.
sidoo kale maamullada ka maqnaa mashruucaasi ayaaba ah kuwa dowladda federaalka dhinaceeda u janjeera , waxaana hakintaa uu sameeyey ay noqtay mid dareen badan oo beelaha gobolladaasi dega iyo masuuliyiintooda laga dhaxli lahaa in ay dhibaato ku noqoto dowladda uu madaxda ka yahay.
kheyrre oo hakinta mashruuca ay u noqtay talaabo horey uu u qaaday oo qaluubta shacbi badan dejisay iyo mooralka maamulgoboledyada maqaamkooda la iilin rabay oo rajo iyo kalsooni weyn ku abuurtay ka dib markii uu isla qadara yar gudaheed uu ku hakiyey
sababaha RW Kheyre uu u Joojiyay Heshiiskii Shalay Ay Saxiixeen Wasiir Beyle Iyo Cumar Finish
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Cali Kheyre ayaa hakiyay heshiis ku kacaayo 112 Milyan oo Doolar lacataas oo lagu dhisi rabay Magaalooyinka dalka, kaasi oo ay si wadajir ah u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda