Mareykanka Oo Sheegay In Dad Kenyaan Ah Ay Al-Shabaab U Fududeeyen Weerarkii Lamu

0
Saturday January 18, 2020 - 18:08:59 in Wararka by
  • Visits: 222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Sheegay In Dad Kenyaan Ah Ay Al-Shabaab U Fududeeyen Weerarkii Lamu

    Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa sheegay in dad ku sugan gudaha dalka Kenya ay fududeeyeen weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Badda ee Mareykanka iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Manda Bay ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa sheegay in dad ku sugan gudaha dalka Kenya ay fududeeyeen weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Badda ee Mareykanka iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Manda Bay ee Gobolka Lamu ee Kenya. Jeneral Gregory Hadfield oo ah Ku-xigeenka Agaasimaha Sirdoonka ee AFRICOM oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Al-shabaabkii ka dambeeyay weerarkii Saldhiga Manda Bay ee Gobolka Lamu taageen ka heleen dad Kenyaan ah, isla markaana loo fududeeyay inay kasoo gudban xuduudka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Hawlgalkii Qorsheysnaa ee ay Dagaalamayaasha ka tirsan Alshabaab bishan 5-dii ku qaadeen Saldhigga Manda Bay ee Gobalka Laamu ee dalka Kenya waxaa lagu dilay 3 Askar Maraykan ah, laguna dhaawacay 2 kale.

 
Weerarkaasi oo socday dhowr saacadood waxaa kaloo lagu gubay dhowr Diyaarad oo ay Maraykanku lahaayeen iyo gaadiid kale.

Dhinaca kale, Afhayeenka AFRICOM, Kolonel Kiris Karnes waxa uu sheegay inay Alshabaab doonayaan inay xumeeyaan xiriirka Maraykanka iyo dalalka Afrikaanka.

Afhayeenka AFRICOM oo la hadlayay Wargeyska Millitary Times ayaa waxaa uu tilmaamay AFRICOM sanadkii hore qaaday 63 Weeraro dhanka Cirka oo ay la beegsadeen goobaha ay Alshabaab ku xooggan yihiin.

Si kastaba Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarka Saldhiga Lamu ay ku dishay 17 askari Mareykanka iyo 9 katirsan melleteriga Kenya, tirada diyaaradaha lagu burburiyay weerarka ayay Al-Shabaab ku sheegtay 7 diyaaradood iyo in kabadan 5 gaari oo kuwa melleteriga ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip