Wasiirka Maaliyadda iyo Duqa Muqdisho oo saxiixay heshiis lagu dhisayo Muqdisho iyo 3 magaalo kale

0
Saturday January 18, 2020 - 17:48:26 in Wararka by
  • Visits: 191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyadda iyo Duqa Muqdisho oo saxiixay heshiis lagu dhisayo Muqdisho iyo 3 magaalo kale

    Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Wasiirka Howlaha Guud iyo Duqa Muqdisho ayaa maanta si wadajir ah u wada saxiixay heshiis ku kacayo 112 Milyan oo dollar, kaasoo lagu dhisi doono illaa afar magaalo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Wasiirka Howlaha Guud iyo Duqa Muqdisho ayaa maanta si wadajir ah u wada saxiixay heshiis ku kacayo 112 Milyan oo dollar, kaasoo lagu dhisi doono illaa afar magaalo.

Mashruuca heshiiskan ayaa lagu dhisi doonaa magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garowe, waxaana uu noqonayaa mid ka mid ah mashruucii ugu weynaa.

Magaalada Muqdisho oo qeyb ka ah mashruucan ayaa waxaa ku soo aaday illaa 28 Milyan oo dollar.

Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in heshiiskan lagu bilaabayo illaa afar magaalo oo kala ah Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garowe, kuwa kalena ay ku xigi doonaan.

C/raxmaan Beyle ayaa sheegay in qeybta heshiiskan ay maanta Muqdisho ku kala saxiixdeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamuud, isagoo xusay in isku dubaridka howshan ay lahaan doonto Wasaaradda Howlaha Guud.

Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in mashruucan uu is bedel ku soo kordhin doono Magaala madaxda Muqdisho, isla markaana uu yahay mid lagu dhisayo magaalooyinka iyo waddooyinka waa weyn iyo jid xaafadeedyo, buundooyin.

Wasiirka Howlaha Guud Cabdi Aadan Hoosow ayaa sheegay in mashruucan uu yahay 112 milyan oo dollar, illaa afar magaalo laga fulin doono, isagoo xusay marka mashruuca dhamaado uu wax la taaban karo ka soo bixi doono, sidoo kale magaalooyinka kale ee dhiman ay noqon doonaan qeybta labaad.

Dhinaca kale waxaa lagu wadaa in mashruucan ay ka qeyb ka noqon doonaan oo ay wax ka saxiixi doonaan Wasiirada Maaliyadda ee Maamul Goboleedyada Puntland, Koofur Galbeed iyo Jubbaland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip