Faah Faahin: Qarax Ismiidaamin ah oo lagu weeraray Shaqaalaha Turkiga ee Dhismaha Wadada Afgooye

0
Saturday January 18, 2020 - 16:47:14 in Wararka by
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Qarax Ismiidaamin ah oo lagu weeraray Shaqaalaha Turkiga ee Dhismaha Wadada Afgooye

    Faah faahin ayaa ka soo baxaya Qarax ismiidaamin ahaa oo Maanta ka dhacay Koontaroolka Baar Ismaaciil ee duleedka degmada Afgooye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahin ayaa ka soo baxaya Qarax ismiidaamin ahaa oo Maanta ka dhacay Koontaroolka Baar Ismaaciil ee duleedka degmada Afgooye.

Qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay qof ismiidaamiye ah ayaa lala beegsaday gaari ay la socdeen Ciidamo Boolis ah iyo gaari kale oo ay saarnaayeen Shaqaale Turki ah. Wararka ayaa sheegaya in gaariga qaraxa fuliyay uu ahaa NOHA, kaasoo lagu dhiftay gaari Cabdi bile ah iyo gaadiid kale oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Booliska ayaa la sheegayaa inuu khasaare ka soo gaaray,  qaraxaasi .
dhinaca kale wrka ayaa intaa ku daraya in aan si dhab ah loo  ogeyn khasaaraha soo gaaray shaqaalaha Turkiga walow ay wararku sheegayaan in 3 qof ka dhawacantay .

       dhinaca kale  Wararka ayaa sheegayaan in gaari caasi ah oo ka soo tegey saaka magaalada Jowhar ay ku dhaawacmeen dhammaan dadkii saarnaa marka laga reebo labo ruux oo aan dhaawac soo gaarin sida wararku inagu soo gaarayaan .

      Dadka rakaabka ahaa ee dhaawacmay ayaa isugu jira rag iyo dumar iyo weli carruur sida ay u xaqiijiyeen  qaar ka mid ah warbaahinta dalka  mid kamid ah dadkii ka badbaaday dhaawacaasi qaraxu sababay .

      Gaadiika ka soo baxa magaalada Jowhar ama ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay marayeen magaalada Afgooye kadib markii ay u xirantay waddada isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho  iyadoo ay sababeen fatahaada wabiga shabelle dhawaan sameeyey .

      Khasaare kala duwan ayaa la soo sheegayaa inuu qaraxa sababay, waxaana sawiro goobta laga soo qaaday ay muujinayaan khasaaraha iyo baaxada qaraxa iyo waxyeelada qaxaasi ka dhashay .

Waa weerarkii labaad oo lagu bartilmaameedsado Shaqaalaha Turkiga ee dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo 28-kii bishii December ee sanadkii hore qarax ka dhacay Ex Koontarool Afgooye lagu dilay labo shaqaale Turkish ah iyo 50-meeyo kale oo shacab Soomaaliyeed ahaa.

urkiga iyo Ciidanka Booliska Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA QAAR





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip