HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 18-JANAAYO-2020

0
Saturday January 18, 2020 - 10:32:54 in Wararka by
  • Visits: 277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 18-JANAAYO-2020

    Faadumo Cabdi Cali oo noqotay Gudo omiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug Faadumo Cabdi Cali ayaa waxay galabta ku guuleysatay kursiga Gudo-omiye Kuxigeenka 2aad ee Doorashada Baarlamaanka Galmudug. Xildhibaan Faadumo Cabdi Cali ayaa wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faadumo Cabdi Cali oo noqotay Gudo omiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug Faadumo Cabdi Cali ayaa waxay galabta ku guuleysatay kursiga Gudo-omiye Kuxigeenka 2aad ee Doorashada Baarlamaanka Galmudug. Xildhibaan Faadumo Cabdi Cali ayaa waxay tartanka kaga adkaatay Xildhibaan Axmed Maxamed Maalin, iya-doo heshay 47 cod, halka Maalin uu helay 41 cod, waxaana xumaaday 1 cod. Faadumo Cabdi Cali oo ah gabar dhal-inyaro ah oo dalka Ingiriiska ka timid ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug kaga mahadcelisay sida ay kalsoonida u siiyeen. Doorashadan ayaa waxaa ka sii horeysay laba doorasho oo kale, kuwaa oo lagu soo kala doortay Dr. Maxamed Nuur Gacal oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Cabdullaahi Xersi Maxamed, oo loo doortay Gudoo-miye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug. Maxamed Nuur Gacal ayaa tart-anka kaga adkaaday Cabdinaasir Aadan Cismaan, halka Cabdullaahi Xersi Maxa-med uu ka adkaaday Saadaq Sheekh Yu-usuf. Doorashada Guddoonka Baarla-maanka Galmudug waa jaranjaradii/s-alaankii lagu gaari lahaa Doorashada Ma-daxtooyada Galmudug, taasoo ay si weyn ugu loolami doonaan musharaxiin badan, oo u taagan.

Cabdullaahi Xersi Maxamed oo loo doo rtay Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka

Cabdullaahi Xersi Maxamed ayaa waxaa uu noqday Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusa-mareeb.

Cabdullaahi Xersi Maxamed ayaa wuxuu ka guuleystay Sadaq Sheekh Yu-usuf oo kula tartamaayay booska Gudoo-miye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug.Waxaa hadda la guda gelaya Doorashada Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug, taasoo ay u sharaxan yihiin laba xubnood.

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu diley Koonfur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay Gudaha dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas, xilli uu ku jiray howshiisa caadiga ah ee Shaqo.

Kooxda ayaa weerartay muwaadinka So-omaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Ca-bd-fitaax Aweys Axmed, isaga oo ku su-gnaa meel aan ka fogeen Goobtiisa Sha-qada oo ku taalla tuulo hoostagta Maga-lada Cape town.

Kooxdii Burcada aheyd ee dilka geystay ayaa goobta isaga baxsa-day,waxaana dad ku sugan Koonfur Afrika ay sheegeen in meydka muwaadinka Soomaaliyeed mudo kadib goobta laga qaaday.

Dalka Koonfur Afrika ayaa sanadkii tegay ee 2019 waxaa lagu diley dadkii ugu badnaa ee Soomaali ah,waxaana jirin ilaa iyo hadda cid ka hadasha dilalka Soom-aalida loogu geysanayo dalkaas.

Taariikhda Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Galmudug Hoos Ka Akhriso

Taariikhda Guddoomiyaha Cusub ee Shalay loo doortey Baarlamaanka Ma-amulka Galmudug. 1966, ayuu ku dha-shay Degmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud • 1987, ayuu ka baxay Dug-siga Sare, Muqdisho • 1988, ayaa qaatay Diblooma heer dhexe_ Machadka maa-mulka & maareynta Jaamacadda Carabta Ee Muqdisho • 1995, ayuu shahaadada 1-aad ee Sharciga ka qaatay Jaamacadda Umudurmaan ee Sudaan • 1999, ayuu ka qaatay Diblooma sare, Machadka maar-eynta masiobooyinka ee Jaamacadda Caalamigaa ee Afrika • 2000, Ayuu Dib-looma Sare ee Qaanuunka Guud ah ka qaatay Jaamacdda Al-neeleyn/Sudaan • 2001, Ayuu Shahaadada 2-Aad oo maar-eynta Masiibooyinka ah ka qaatay Jaam-acadda Caalimga ah ee afrika • 2008, ayuu shahaadada 3-aad ee Sharciga ka qaatay Jaamacadda Umul darmaan ee Dalka Sudan. DHANKA SHAQADA Wuxu kasoo shaqeeyay Jaamacadda Muqdisho, soo noqday hormuudka kuliyada sharciga 2013-2014 wuxuu ahaa wasiru dowlaha arrimaha dibadda 2014-2016: wuxu soo noqday la taliye arrimaha dib u heshiisiinta Xafiiska PM Ugu danbeyn, 2019            kii xubin guddiga dib u heshiisiinta DGGM, iyada oo Shalay loo doortey Guddoo-miyaha Baarlamaanka Galmudug.

Wiil Muwaadin Soomaaliyeed  ah oo la gu diley waddanka Giriiga

Rag ku hubeysnaa Mindiyo ayaa habeen hore waxaa ay Magaalada lesvos ee da-lka Giriiga ay ku dileen Muwaadin Soom-aaliyeed oo kamid ahaa Dhalinyarada sida tahriib ahaanka ah dhawaaan ku tagtay dalkaas.

Muwaadinka oo Magaciisa lagu so-o koobey Axmed ayaa waxaa Xero ku taalla Magaalada lesvos kusoo weeraray rag mindiyo watey,waxaana uu u geer-iyoodey dhaawac culus oo kasoo gaarey weerarkaas. Mid kamid ah dadka ku noolo wadanka Giriiga ayaa sheegay in Wiilka la diley iyo kuwa diley intaba ay ahaayeen Soomaali,isla markaana uu jirey khilaaf soo kala dhex-galey. Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in raggii To-oreyda ku diley Wiilka dhalinyarada ah ay baxsadeen,hayeeshee Ciidamada Booli-ska Magaalada lesvos ee dalka Giriiga ay baadi goob xoogan ugu jiraan.

Wadanka Giriiga iyo wadamo bad-an oo ku yaalla Caalamka ayaa waxaa int-a badan dhibaatooyin kala duwna loogu geystaa Soomaalida ku nool,kuwaas oo aan badankood cadaalad helin.

XOG: Khilaaf Xooggan Oo Soo Kala Dhex Galay DENI & Ku-Xigeenkiisa +Xii sad Kaa Taagan Garowe

Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhex galay madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Kara-ash,kaas oo si aad ah looga dareemayo Madaxtooyada Garowe.

Khilaafka ayaa ka dhashay ka dib markii madaxweynaha Puntland uu xilka ka qaaday guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Puntland,taas oo uu ka xarooday Axm-ed Karaash,islamarkaana diidmo ka mu-ujiyay.

Wararka qaar oo aan heleyno ayaa sheegaya in Khilaafkan labada mas’uul uu saameyn xooggan ku yeeshay xafiisyada Xukuumadda,waxaana joogsaday shaqoo-yin muhiim ah oo shacabka loo hayay.

xigasho:-shaaciye.com

Guddoonka 2da aqal oo hambalyo u diray guddoonka cusub ee Baarlam aanka Galmudug

Guddoonada labada Aqal ee baar-lamaanka Federaalka Jamhuuriyadda So-omaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray guddoonka cusub ee baarlamaanka Dowlad gobaleedka Galmudug oo shalay lagu doortay magaalada Dhuusa-mareeb.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Maxamed Mutual Sheekh Cabdiraxmaan ayaa u hambaleeyay guddoomiye Maxa-med Nuur Galaxy iyo Kuxigeenadiisa ,isa-goo u rajeeyay in eebe uu ku guuleeyo xil-ka loo igmaday.

Sidoo kale gudddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ham-balyo iyo bogaadin u jeediyey guddoonka baarlamaanka Galmudug. Maalmaha soo socda ayaa lafilayaa in la qabto do-orashada madaxweynaha Dowlad goba-leedka Galmudug.

Hogaamiyaha ruuxiga dalka Iiraan oo difaacay milatariga dalkiisa.

Hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan, Aayatullaah Cali Khamenei ayaa difaacay militariga dalkaas kaddib markii dhawaan xukuumadda Tehran ay qiratay in diyaar-addii rakaabka ee Ukraine aan si ula kac aheyn loo soo riday.

Wuxuu sheegay in ciidammadii Kacaanka ee ka dambeeyay musiibadaas ay ‘ilaalinayeen ammniga Iiraan’. Aayat-ullah ayaa shalay salaadda jimcaha dad-weyne ku tujiyay gudaha magaalada caas-imadda ah ee Tehran markii ugu horrey-say muddo siddeed sanno ah. "Malaayin Iraaniyiin ah iyo kumanaan Ciraaqiyiin ah ayaa u baroordiiqay dilkii Janaraal Sule-ymaan” ayuu yiri Aayatullaah Cali Kham-enei.

Hadalka hogaamiyah sare ee Iiraan ayaa kusoo beegmay xili dalkaasi ay ka dhaceen dibad baxyo lagu dalb-anayo in uu xilka ka dago.


Madaxweynaha Jubbaland oo baaq u diray dowladda dhexe

            Madaxweynaha maamulka Jubbal-and Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ku sugan Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa ugu baaqay dowladda dhexe ee Soomaaliya dib u heshiisiin dhab ah.

            Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Khilaafka dowladda dhexe iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland uu daba dheeraaday, islamarkaana sababto ah tahay mas’uuliyiinta dowladda dhexe ee Soomaaliya oo doonaya in ay awoodda la wareeggaan.

            Waxaa uu sheegay in hanaanka lagu dhisay Soomaaliya burburkii ka dib uu yahay Mid Federaal ah ,islamarkaana dowladda dhexe ee Soomaaliya ay doo-nayso in ay meesha ka saarto.

            Waxa uu sheegay in Puntland iyo Jubbaland ay awooddaan in ay dhisaan dowlad dhexe  haddii aan la xalin Khilaaf oo aan Jubbaland iyo Puntland lala heshiisiin.

            Maamulada iyo Jubbaland ayaa lagu waddaa in Saacadaha soo socda ay soo saaraan War Saxaafadeed  ku saa-bsan Xaaladda dalka iyo Sharciyadda doorashooyinka iyo Batroolka oo ay si weyn uga soo horjeeddaan.

Madaxweyne Deni” Dad Xamar joogga ayaa Farriimo u soo diraya Odayaasha Boosaaso”

            Madaxweynaha maamulka Puntl-and ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo Madaxweynaha Jubbaland oo ku sugan Boosaaso ayaa sheegay in jiraan shaqsiyaad dhibaato ku haya gob-olka Bari oo ku sugan Gudaha Magaalada Boosaaso.

            Waxaa uu sheegay in xubno ka mid ah Dowladda dhexe ee Soomaaliya ay Farriimo u soo dirayaan odayaasha dhaqanka si looga soo horjeesto maamu-lka uu hoggaamiyo ee Puntland.

            Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayuu sheegay in ay si joogto ah Farriimo ugu soo dirto qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Boosaaso si loo abuuro khal-khal Siyaasadeed oo ka dhan maamulka Puntland.

            Dowladda dhexe ayuu sheegay in aysan heynin tabar Dhaqaalle, Mid Amni iyo horumarin Midna laakiin ay diyaar u tahay waxa dhisan in ay burburiso oo meesha ka saarto.

            Waxaa uu ugu baaqay odayaasha dhaqanka Magaalada Boosaaso adkeynta Ammaanka , iyo Midnimada Shacabka Bo-osaaso.

Labo qoys oo ku sumoobey magaalada Qardho ee G/Bari

            Ilaa sideed ruux oo ka kooban labo qoys ayaa Jimcihii shalay la dhigay isb-itaalka magaalada Qardho ee gobolka Bari, kadib markii ay ku sumoobeen caano ay cabeen sida ay sheegeen dhakhaatiirta isbitaalka magaaladaas.

            Dadka sumoobay waxa ku jira caruur yar yar kuwaas oo midkood uu markii dambe geeriyooday sida ay xaqi-ijiyeen maamulka isbitaalka gacanta ku haya xaaladda caafimaad ee bukaannada.

            Mas’uuliyiinta isbitaalku weli wax faahfaahin ah kama bixin sababta rasmiga ah ee keentay in dadkaas ay ku sumo-obaan caanaha, balse waxa ay warba-ahinta u sheegeen inay faahfaahin dhab ah ka bixi doonaan.

            Sidoo kale waxay sheegeen inay la tacaalayaan xaaladda caafimaad ee buka-annada oo sida ay tilmaameen qaarkood soo bogsanaya, halka qaar kalena ay weli daaweyn iyo baxnaani ku socoto

Cudur ay dad badani u dhinteen oo ka dilaacay dalka Shiinaha.

            Feeras cusub oo ka dilaacay gud-aha dalka Shiinaha ayaa la shegay in ay ku saamoobeen boqolaal ruux sida masuuliyiinta dalkaasi ay u sheegeen war-baahinta.

            Iilaa 41 sheebaar oo la marsiiyay Feeraskan ayaa lagu xaqiijiyay in uu yahay mid cusub. Iyadoona illaa iyo haa-tan sheegay in ay u dhinteen labo ruux.

            Feeraskan ayaa ka dilaacay mag-aalada Wuuhaan ee dalka Shiinaha halk-aas oo lasheegay in ay ku suganyihiin bo-qolaal ruux oo cudurkani qaba.

            Garoonka caalamiga ah ee mag-aaladan ayaa waxaa adeegsada dad gaa-raya 19 milyan oo ruux balse 3,400 oo ruux ayaa maalintii ka sameeya safaro caalami ah.

            Qaar kamid ah kiisaska Feeraskan ayaa lasheegay In lagu arkay dalalka dar-iska la’ah Shiinaha sida Japan iyo Hong Kong oo laga helay labo ruux oo qaba Fe-eraskan.

Jabuuti waxay ka xorowday dowlado waaweyn haddana shirkad ma qabsan karto'

            Maamulaha guud ee dekedaha dalka Djibouti Abubakar Cumar Xaddi

            Dowladda Jabuuti ayaa si kulul uga jawaabtay eedeymo ay kala kulantay shirkadda dekedaha maamusha ee DP World, oo laga leeyahay Imaaraadka Car-abta, waxayna gaashaanka ku dhufatay xukun kasoo baxay maxkamad sare oo fadhigeedu yahay UK.

            Dacwaddan ayaa qayb ka ah dac-wado ka horeeyay oo ay shirkaddu u gud-bisay maxkamadda dalka Britain kadib markii ay dowladda Djibouti waxba kama jiraan ku tilmaantay heshiis hore oo ay labada dhinac wada galeen sanadkii 20-06-dii.Maamulaha guud ee dekedaha da-lka Jabuuti Abubakar Cumar Xaddi, oo Khamiistii shir jaraa'id ku qabtay maga-alada Jabuuti ayaa sheegay in aanu jirin heshiis toos ah oo ay la galeen shirkadda DP-Wolrd, balse shirkadaasi ay qayb ka ahayd maal galinta dekedaha Djib-outi.Waxa uu sidoo kale gaashaanka ku dhuftay go'aanka la sheegay inuu maxk-amadda London ka soo baxay.

            "Jabuuti waxay jabisay heshiiskii ka dhaxeeyay DCT (shirkad mideyneysay Jabuuti iyo DP World) iyo dowladda Jabuuti, sababtuna waxay ahayd in DCT ay tiri 50-ka sano ee soo socda xeebta Jabuuti oo dhan kama jiri karo aag xor ah in annaga oggolaansho nalaga helo maahee".

Dowlado waaweyn ayey ka xorowday Jabuuti

            Abubakar Cumar Xaddi ayaa ku gacan seyray bayaan dhawaan kasoo baxay DP World, isagoo sheegay in shir-kaddan aysan la wareegi karin Jabuuti.

            "Dowladda Jabuuti waxay xorni-madeeda ka qaadatay dowlado waaweyn, marka shacabka iyo dowladda Jabuuti hadda ma oggolaanayaan in ay shirkad dib u qabsato dhaqaalaheedii, oo horum-arkii waddanka oo dhan ay 50 sano iyadu ka taliso", ayuu yiri Xaddi.

            Muranka labada dhinaca ayaa ka billowday maamulka dekedda Doraleh, oo ay sida la sheegay lagu dhisay heshiis u dhaxeeyay DP World iyo Jabuuti.

"DP World oo mar kale ka guuleysatay do-wladda Jabuuti"

            DP World ayaa dhawaan sheegtay inay ku guuleysatay kiis sharci ah oo ay ka gudbisay dowladda Jabuuti, kaasoo la xiriira khilaafkii maamulka dekedda Dor-aleh ee u dhaxeeyay labada dhinac.

            War-saxaafadeed ay soo saartay DP World ayaa lagu sheegay in koox garsooreyaal ah oo dacwaddan ku dhag-eysanayay maxkamad fadhigeedu yahay London oo dhageysata dacwadaha caal-amiga ah ayaa amar ku siiyay dowladda Jabuuti inay labo bilood gudahood dib ugu soo celiso xuquuqdii iyo faa'iidadii ay shirkadda DP World lahayd, ee uu dhig-ayay heshiiskii ay labada garab kala sax-iixdeen sanadkii 2006-dii, ama in ay bixiso dhammaan khasaarihii galay shirkadda.

            DP World ayaa intaas ku dartay in lacag ka badan 1 bilyan oo doolarka Ma-reykanka ah ay ka khasaartay tan iyo ma-rkii ay dowladda Jabuuti kala wareegtay maamu;lka dekedda, sanadkii 2018-kii.

            Shirkaddu waxay sheegtay in ga-rsooreyaasha go'aankan soo saaray ay sheegeen in dowladda Jabuuti ay tallaabo sharci darro ah qaadday markii ay si khasab ah shirkadda DP World uga qaa-day maamulka dekeddaas, bishii February ee sanadkii 2018-kii.

            "DP World oo mar kale ka guul-eysatay dowladda Jabuuti"

            Jabuuti: 'Waxaan la wareegnay sa-amigii DP World ee dekadda Dooraale'

            Maxkamad DP World u xukuntay heshiiskii ay kula jirtay Jabuuti

            Dowladda Jabuuti ayaa sanadkii 2018 ku dhawaaqday in ay DP World ka mamnuucday maamulka dekedda

            Go'aanka dowladda Jabuuti ay ma-amulka dekedda Doraleh kala wareegtay DP World ayaa ka dambeeyay markii ay shirkaddu sheegtay inay dhiseyso deke-dda Bebera ee ay maamusho jamhuur-iyadda iskeed madaxbannaanida ugu dha-waaqday ee Somaliland, si nay uga faa'-iideysato Itoobiya.

            Tallaabadaas ayey Jabuuti u ark-eysay mid halis galineysa ganacsiga ay kaligeed heysatay ee ku saabsan kala daabulista badeecooyinka Itoobiya.

            95% badeecooyinka Itoobiya waxay soo maraan dekedaha Jabuuti.

           


 

CAUTIONARY NOTICE   TRADEMARK (in the territory of SOMALIA)

NOTICE IS HEREBY GIVEN that DAW SE / A Company incorporated and organized under the laws of Germa

Is the owner and sole proprietor Limited Company of the following trademark.

 

 

 

 

 

CAPAROL

The mark consists of the word CAPAROL written in capitalized Latin characters in black color. At the top, there is a horizontal line above which there is a drawing in form of an elephant in black, pink, blue, green, yellow, orange and red. And is used in the international classes 1, 2,17 and 19 in respect of the following Good

Class: 01  

Industrial chemicals; preservative and damp-proofing preparations for masonry, roofing tiles, cement and concrete, except paints and oils; artificial resins, synthetic resins and unprocessed plastics; solvents (chemicals); solvents for varnishes and lacquers; adhesives used in industry; adhesives for wallpaper; adhesives used in building; filler for the treatment of subsurfaces for paints (not included in other classes).

Class: 02 

Paints, varnishes, lacquers, glazes, coatings, preservatives against rust; primers; colorants, dyestuffs, dye pastes, mordants; paint thickeners; fixatives, siccatives for paints; raw natural resins; thinning and binding preparations for paints and lacquers; solvents for thinning paints; preparations for preserving wood, wood mordants and wood preserving oils; paints, including structuring paints; bactericidal and/or fungicidal paints; anti-corrosion preparations; protective preparations for metals; metals in foil and powder form for painters, decorators, printers and artists.

Class 17

Sealing, thermal protection and insulating materials; insulating paints, insulating varnishes, insulating fabrics, insulating plaster; substances for insulating buildings against moisture; artificial and synthetic resins (semi-finished products); fiberglass fabrics for building insulation; insulating tapes; heat insulators; insulating panels; grid mats of glass fiber fabric and/or plastics, in the form of parts for composite heat insulation systems; plastic films, other than for wrapping purposes; adhesive tapes and strips for building.

Class: 19 

Building materials, not of metal or mainly not of metal, in particular profile rails and corner irons, finishing profiles; ad

NOTICE IS ALSO GIVEN that legal proceedings will be instituted against any person or company that uses the same trademark or any imitation thereof, or against anyone that violates this trade mark ownership rights.

 

DigniinOgaysiscalaamadganacsi [ Xuduudaha Somalia]

 

Halkan waxay ogaysiiskanbixinaya Shirkada DAWSE oo ah Shirkad ka jirtadalka Germany kunaaas-aasansharcigadalkajarmalka / ujeedada ay u aas-aasantahaynawaa wax soosaariyoganacsiciwankeedunawaaRoßdörfer Str. 50, 64372 Ober-Ramstadt, Germany

waana mulkiilahaiyo shirkadakaliya eel eh sumadahanganacsieehooskuqoran:   

 

 

 

      

 

Calaamaduwaxay ka koobantahayereyga "CAPAROL” ookuqoranxarfahawaaweyneeLatinkaeemidabkamadow. Waxaanalooisticmaalaafasaladacaalamiga ah 1, 2, 17 iyo 19 markalooeegoalaabooyinkasoosocda

 

Fasalka 01: Waxyaalahakiimikadawarshadahalaguilaaliyoiyo u diyaargarowgaqoyaankaeeqoob-ka-goynta, tiirarkasaqafka, sibidhkaiyosibidhka, markalagareeboranjiyeyaashaiyosaliidaha; resins of artificial, resins synthetic iyobalaastikadaaan la isticmaalin; dareerahadareeraha (kiimikooyinka); solvents for varnishes iyo lacquers; u-dheellitirnaanlooisticmaalowarshadaha; kudhejintaxaashiyahagidaarka; waxyaabahalagudhejiyodhismayaasha;

buuxiyeyaashaloogutalagalaydaaweyntakabitaankakaabidarinjiga (ooaanlagudarinfasalada kale

 

Fasalka 02:  Rinjiga, rinjiyeyaasha, lacquers, glaze, gogosha, waxyaabaha ka hortaggamiridhku; madax-weyne; midabada, dharkamidabada, kafeejiyeyaasha, mordants; midabdhumuclehxalka, dawooyinkarinjiga; resins of cayriinceeriin; khafiifintaiyoudiyaargarowgarinjiyeyaashaiyoxargaha; solvents rinjiyeyaashakhafiifka ah; u diyaargarowgakeydintaalwaax, alwaaxdaalwaaxdaiyosaliidalagukeydiyoqoryaha; ranjiyeyaasha, oo ay kujiraanranjiyeyntaqaabaynta; bakteeriyada la diloiyo / amarinjiga fungicidal; u diyaargarowga la-dagaallankajirka; diyaarintakahortaggabiraha;

macdantabirtaiyofoomkabudadaeerinjiyeyaasha, qurxiyeyaasha, daabacayaashaiyofarshaxannada

 

Fasalka 17:  Xadhig, ilaalintakuleylkaiyoagabkaqalafsanaanta; xaraynrinjiyeynta, qalafsanaantaxayawaanka, go’iddadharka, iyokaabiddamalaaska; walxahaloogutalagalay ka-celintadhismayaashaqoyaanka; resins of artificial and synthetic (alaabooyinka semi-dhameystay); dharkalooyaqaan ‘fiberlasslass’ dhismeyaashadahaarka; yarayntacajaladaha; kuleylkakuleylka; x



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip