Taliban iyo Mareykanka oo wada-hadallo ku leh Doha

0
Friday January 17, 2020 - 14:43:15 in Wararka by
  • Visits: 212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliban iyo Mareykanka oo wada-hadallo ku leh Doha

    Taliban ayaa diyaar u ah inay xabad-joojin 10 maalmood ah la gaaraan ciidamada Mareykanka, haddii ay heshiis ay la gaaraan wada-xaajoodayaasha Mareykanka ee ay wada-hadalka kula leeyihiin Doha. Taliban ayaa sidoo kale diyaar u ah inay yareeyaan rabs

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliban ayaa diyaar u ah inay xabad-joojin 10 maalmood ah la gaaraan ciidamada Mareykanka, haddii ay heshiis ay la gaaraan wada-xaajoodayaasha Mareykanka ee ay wada-hadalka kula leeyihiin Doha. Taliban ayaa sidoo kale diyaar u ah inay yareeyaan rabshadaha ka dhanka ah ciidamada Afghanistan, islamarkaana ay wada-xajaood la yeeshaan saraakiisha dowladda Afghanistan. Haddii heshiis noocan ah la gaaro, waxay dib usoo nooleyn kartaa rajadii laga qabayo xal waara oo laga gaaro dagaalka Afghanistan. Taliban iyo wada-xaajoodayaasha Mareykanka ayaa Arbacadii iyo Khamiistii kulmay, si ay uga wada-hadlaan saxiixa heshiis nabadeed, waxaa sidaas sheegay afhayeen u hadlay xafiiska Taliban ee Qatar. Wada-hadallada waxay ahaayeen "kuwa miro dhal ah", waxayna sii socon doonaan maalmo, sida uu sheegay afhayeen Suhail Shaheen, oo qoraal soo dhigay twitter, Madaxweynaha Mareykanka ayaa wada-hadallada joojiyey bishii September kadib markii weerar ay fuliyeen Taliban lagu dilay askari Mareykan ah


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip